War Deg Deg ah: Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacay Las Vegas

Ugu yaraan laba qof ayaa la dilay 24 kalena way ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday agagaarka Munaasabada Casino Mandalay Bay intii lagu jiray bandhiga muusikada ee Las Vegas warbaahinta Mareykanka ayaa sidaas werisay.

Bilayska Las Vegas ayaa ku shaaciyay bogga Twitter-ka in ay baadhitaan ku sameynayaan warbixinnada rasaasta ka dhacday goobta Waxayna dadka ka codsadeen inay ka fogaadaan goobta  sidoo kalena inay ka baxaan boqollaal qof ee ku sugan xarunta.

Mas’uuliyiinta ayaa xidhay qayb ka mid ah Las Vegas Strip ka dib markii la helay warar sheegaya Nin hubeysan oo wali ku jiro deegaanka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso