Badbaadin Wadajir Ilmo laga Badbaadiyey Gaadhi Jiidhay Hoostiisa!!!

Sawir Fiidyaw ayaa Muujinaya ilmo uu jiidhay Gaadhi ka dibna dhex galay Afartiisa Taayir Dhexdooda ilmaha ayaa si mucjiso ah ku badbaaday ka dib markii ay Caawiyeen dadkii ku sugana jidka.

Warbaahinta China ayaa shaacisay Isniintii in shilkan uu ka dhacay gobolka Hunan ee bariga dalka China cunugga oo rabay in uu ka gudbo waddada ayuu baabuur jiidhay isla markiibana waxa uu dhex galay taayirada gaadhiga.

Fiidiyoga laga sii daayay ayaa muujiyay daraasiin dad ah iyagoo isku dayaya in ay kor u qaadaan gaadhiga iskuna qaybiyay kuwa kor u qaada gaadhiga iyo kuwa ilamaha ka soo jiida gaadhiga hoostiisa.

Ilmahan oo ahaa 7-sano jir ayaa u muuqday inuu caafimaad qabo wax weyna aanay soo gaadhin marka laga reebo xagtiimo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso