Bernard-Henri Levy: Kurdistan waxay noqon doonta Dalka labaad ee dimoqraadi ka ah gobolka..

Mufakirka weyn ee Faransiiska ah Bernard-Henri Levy oo wareysi la yeeshay CNN ayaa sheegay in Kurdistan ay noqon doonto Dawlada labaad ee dimuqraadiga ah ee gobolka Ka jirta.

Bernard-Henri Levy ayaa u arka in reer Galbeedku ay taageersan yihiin Ciraaq, Turkiga iyo Iran, kana soo horjeedaan Kurdistan kadib aftida kala-guurka.

Mar uu ka hadlay Mucaaridada Caalamiga ah ee aftida ku saabsan Kurdistan Wuxuu sheegay “Tani waa mid aad iyo aad u murugo leh dhab ahaan iyo khalad weyn oo xaga xisaabinka ah”.

“Maraykanka iyo Faransiiska waxaan leeyahay dad halkaasi jooga waa Xulufo Rasmi ah, waxayna wadaan in la dhiso dimuqraadiyad dhab ah waxay ahaan doontaa Dawlada labaad ee dimoqraadiga ah ee gobolka.”

“Waxaan joogay Erbil dhowr maalmood ka hor waxaan ahaa kormeere caalami ahi aftidani waxay u dhacday habka codbixin wanaagsan sida ku cad heerarka caalamiga ah, codbixintu waxay ahayd mid caddaalad ah,” ayuu yidhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso