Xisbiga WADDANI Oo Soo Dhaweeyay Digreeto Madaxweyne Siilaanyo Ka Soo Saaray In Xisbiyadu U Sinaadaan Warbaahinta Qaranka, Wasiir Cadaanina Ugu Baaqay Inuu U Hogaansamo


Hargeysa, (Togaherer) – Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal ayaa soo dhaweeyey digrooto Madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray in xisbiyada Qaranku ay u sinaadaan adeegsiga Warbaahinta Qaranka xiliga ololaha doorashada iyo in Shaqaalaha Dawladu ay ka reeban yihiin inay ka dhex muuqadaan ololaha Asxaabta Siyaasada.

Muniir Axmed Cigaal waxa uu ugu baaqay Wasiirka Warfaafinta inuu u hogaansamo digreetada Madaxweynaha Somaliland oo uu dhaqan galiyo in xisbiyada qaranku wakhti siman ay ka helaan Warbaahinta Qaranka gaar ahaana Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka.

Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal oo maanta Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale ku tilmaamay Guddida ololaha ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye mid dhoobo-eris ah oo durtaba ay ku bilaabmeen is-casilaado tiro badani, isla markaana ay ka dhex muuqdaan Maayarada magaalooyinka Somaliland.

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wareegtadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xisbi ahaan waanu soo dhaweynaynaa sida wanaagsan ee uu ugaga hadlay inaan xiligan oo aynu galayno ololihii in arintii aanu in badan ka hadli jirnay ee gawaadhida dalwada, shaqaalaha dawlada ee ka reeban inay ololeeyaan iyo Idaacada iyo Telefishanka Dawlada dhamaantood aan loo adeegsan olole gaar ah iyo xisbi gaar ah, cidii u adeegsataana wareegtadaasi waxa ku xusnayd in dambi qaran ku dhacday oo lagala xisaabtami doono oo lagu ciqaabi doono.

Xisbi ahaan aad iyo aad ayaanu wareegtadaasi usoo dhaweynaynaa ugana mahadnaqaynaa Madaxweynaha, waxaan sidoo kale jecelahay inaan kalmad ka xuso meelaha wareegtadaasi ka xusaysay waxa ka mid ah inaan Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka oo in badan xisbiyada mucaaridka ahi ay ka hadlayaan oo Wasiirka Warfaafintuna Cismaan Saxardiid Cadaani uu in badan majara-habaabiyey inay dhexdhexaad u ahaadaan xisbiyada, maadaama oo cashuurtii laga qaado hooyada tamaandhada iibisa ay ku baxaan oo ay hawada ku galaan Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranku.

Mr Saxardiid waxaanu leenahay madaxweynihii aad magaciisa ku celcelin jirtay ayaa soo saaray digreetada’e fuli amarkiisa oo ka bilaw, maanta qudhigeeda waanu la hadalnay telefishanka qaranka iyo Radio Hargeysa oo wali hawshii dhexdhexaadnimada muu bilaabin, hadaad usoo aalamiitaynaysana soo dhakhso oo wakhti badani kuuma hadhin, hadaad amar sugaysayna tii Madaxweynuhu way kuu timid.

Warbaahinta dawladu waa muhiim, wargeyska Dawan wuu ku jiraa oo Mr Sayid waan hubaa inuu wareegtada madaxweynaha u hogaansami doono balse Mr Saxardiid waanu ugu celinaynaa mar kale xisbi ahaan inuu usoo degdego amarkaa Madaxweynaha oo dhamaan xisbiyada qaranka wakhti isku mid ah iyo daqiiqado isku mid ah uu u baahiyo oo aan xisbi gaar ahi adeegsan Warbaahinta Qaranka.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal, kaaliyaha warfaafinta ee Murashaxa xisbiga Waddani.

Waxaanu sidoo kale uu ka hadlay in shaqaalaha dawladu ay ka reebanaadaan ololaha Asxaabta oo aanay ka soo dhex muuqan, isagoo Kaaliyuhu arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Shaqaalaha Dawladuna waa inay ka reebanaadaan ololaha, waxaanu arkaynay Garsoorayaal, Agaasimeyaal, Agaasime waaxeedyo iyo shaqaale hoosaadyo intuba ka dhex muuqday safaradii Murashaxa xisbiga Kulmiye uu ku marayey gobolada Galbeedka dhawaan.

Waxa kale oo aanu ognahay in gobolka Togdheer oo imika aanu ka soo laabanay shaqaale dawladeed oo badani ay arimahaa ololaha doorashada ku shaqo leeyihiin, waxa kamid ah wax xaflad beel ka mid ah beelaha Qorilugud lagu sheegay oo badhasaabka gobolkaasi qaban qaabiyey oo Wasiirka Hawlaha Guud runtii uu hawsheeda lahaa in Shaqaale waaxeedyadii iyo Isuduwayaashii gobolkaasi lagu yidhi qof walba toban qof la kaalay, waxay ka mid tahay uun dhibaatada iyo handidaada lagu hayo shaqaalaha dawlada, waxaanu leenahay shaqaaluhu way ka reeban yihiin arimahaa, waanay maqlayeen wareegtada Madaxweynaha ha ku dhaqan galaan cidii u hogaansami waydana anaguna waanu soo bandhigaynaa iyaguna dambi ayay ku dhacayaan.” Ayuu yidhi Kaaliyaha Warfaafinta ee Murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal, waxaanu gabogabadii uu tilmaamay in guddida ololaha xisbiga Kulmiye ee uu magacaabay Muuse Biixi ay ka dhex muuqdaan shaqaale dawladeed isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xisbi Kastaa xaqbuu u leeyahay inuu guddidiisa ololaha dhisto balse guddidaasi waxay u muuqataa guddi dhoobo-eris ah oo imikaba ay ku bilaabmeen is-casilaado badani, Awdalbaan iscasilaad ka arkaayey gaar ahaana Wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha Cali Xaamir Jibriil oo is-casilay, Saaxilbaa jirta.

Maayaro iyo Wasiiro ayaa gudidaasi ku jira, markaa xaq way u leeyihiin balse waxay u muuqdaan in col hortiiba uu fashil badani ku yimid.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa Xisbiga Waddani.  

Advertisement

Ku Xayeysiiso