Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Maanta in Ninkii hubaysanaa ee dilka ka geystay Las Vegas Axaddii uu ahaa qof aad iyo aad u xanuunsanay waxaanu diiday inuu ku sifeeyo dhacdo argagixiso oo gudaha ah wuxuuna sheegay in sharciyada hubka ka hadli doona wakhtigeeda.
“Waxaan ka hadli doonnaa sharciyada hubka waqtigeeda,” ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka Aqalka Cad.
Markii la weydiiyay haddii dhacdada ahayd argagixiso gudaha ah wuxuu ku jawaabay: “Waxa uu ahaa nin jirran waxaan qabaa inuu ku dhibtooday dhibaatooyin badan waxaanan aad u eegeynaa si dhab ah.”
Warqabadka ToggaHerer