Booliska  Oo fashilay dhacii ugu wayn  taariikhda waddanka Brazil !!!!

Bilayska Brazil ee Sao Paulo ayaa xidhay 16 qof oo qorsheynayay dhac weyn banki ka mid ah baananka Brazil.

Sida laga soo xigtay Globo channel  “dadka la xidhay ayaa qoday God  dhererkiisu dhan yahay 500 mitir kana hooseeya qolka kaydka ee bangiga (Banco do Brasil), waxayna ku qarash gareeyeen Godkan lacag gaadhaysa ilaa hal milyan oo doolar.”

 Baadhitaannada ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dambiilayaashu ay qorsheynayeen in ay xadaan $ 318 milyan oo ah dhacii  ugu weynaa  taariikhda.

Tani ma aha markii ugu horeysay ee tuug ay ka soo galaan bangi Brazil si ay u xadaan god ay qodeen waqti hore ayay kooxi ku guulaysatay inay isticmaasho god  laan bangiga dhexe ee Fortaleza waxayna ka xadeen $ 52 milyan .

Godkaasina wuxuu ku dhowaad 8 jeer ka yaraa kan hadda laga helay Sao Paulo.

Sao Paulo waa mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Brazil waana caasimadda gobolka São Paulo ee koonfur-bari Waxayna dhacdaa 400 kiiloomitir magaalada Rio de Janeiro waxayna 1030 kiiloomitir u jirta Brasilia.

Warqabadka Toggaherer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso