Illo ku dhaw hoteelada ayaa shaaca ka qaaday in Waftiga Salman bin Abdul Aziz ay geli doonaan inta lagu jiro booqashada Moscow Hotelada Five Star ka ah ee ku dhow Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin.
Sida laga soo xigtay illo ku dhow agaasimaha booqashooyinka alaabta qolalka Hotel-ada qaarkood wax laga bedelayo si ay munaasib ugu noqdaan xubnaha sare ee wafdiga, roogaga ayaa looga keeni doonaa Sucuudiga.
Waxa la dhamaystiray Hotelada dhamaan ku dhow Kremlin mana jirto boosas ka banaanHotelada Five Star ka ah Maamulka hudheelada ayaa sheegay in taariikhda ugu horreysa ee la heli karo ay tahay 6-da Oktoobar.
Wafdiga Sucuudiga la socoda Boqorka Sucuudiga ayaa ka kooban ilaa 1,000 qof kuwaas oo intooda badan ay degi doonaan hudheelada ku dhow aqalka Kremlin ee qiimahoodi Qaaliga yahay.
Qiimaha Qolka ayaa ah $ 720 habeenkii halka qolka Manningaya Square ee u dhaw Kremlin qiimihiisu yahay $ 1030 Halka qolalka eegaya Kremlin uu yahay $ 2,400 habeenkii.
Hoteelada ayaa lagu qasbay in la tirtirto wax badan inta lagu jiro booqashada wafdiga Sacuudiga, sida xafladaha gaarka ah iyo aroosyada cuntooyinka Hilibka Doofaarka sidoo kale Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay hoteelada waxa qudha oo geli kara Dadka sita Kaadhadhka Martida.
Warqabadka ToggaHerer