Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diraya Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdillaahi Qaalib (Diir-qadhaadh)

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

 05 Oct. 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, Golaha Guurtida iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdillaahi Qaalib (Diir-qadhaadh) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya shalay oo taariikhdu ahayd 04/10/2017.

 

Marxuum Maxamuud Cabdillaahi Qaalib (Diir-qadhaadh) waxa uu ka mid ahaa Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku soo jiray muddo dheer, waxaannu door wayn muuqda ka soo qaatay dadaalladii nabadayntii iyo dib-u-dhiskii qaranka Somaliland. Marxuumka oo ka soo jeeday qoys caan ku ah siyaasadda waxa uu ahaa nin afgaaban oo muxtarim ah.

 

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso