Mareykanka Qof loo qabtay Hanjabaad in uu fulinayo xasuuqii Las Vegas oo kale !

Madaxda amniga gobolka Oklahoma ayaa xidhay qof ku hanjabay inuu fulinayo xasuuq ka dhaca gobollada Oklahoma iyo Texas , sidii ka dhacday Axaddii hore Las Vegas.

 Rodrick Lamar Robinson oo 39 jir ah ayaa la xidhay kaddib markii Qoraalo  ku daabacay Facebook isaga oo ku hanjabay dhimasho dhowr magaalo uu ka geysan doono si la mid ah sidii Stephen Padock sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Afhayeenka Bilayska ee Oklahoma ayaa sheegay in uusan wax war ah ka haysanin in Robinson uu haysto hub iyo in kale laakiin wuxuu ku nuuxnuuxsaday in halista noocaas ah loo qaatay si dhab ah.

Qofka la xidhay ayaa sidoo kale la sheegay inay mas’uuliyiinta Texas Raadinayeen una doonayeen haysashada daroogooyin waxaana hadda lagu soo oogi doonaa inuu daabacay hanjabaado argagixiso.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso