Daawo :“Waxaad nala dhistaan qaran loo siman yahay “Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Xisbul-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay siyaasiyiin iyo haldoor miisaan leh oo kasoo jeeda gobolka Awdal oo ay hoggaaminayaan murrashaxii hore ee Madaxweyne-ku-xigeenka UCID iyo Xoghayihii hore ee Warfaafinta Md. Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Wasiirkii hore ee Macdanta xukuumaddii UDUB Md. Cismaan Sheekh Cabdi oo iyaguna kasoo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo weliba Taliyihii hore ee hay’adda Sirdoonka Gen. Maxamed Nuur, kuwaas oo ay wehelinayeen tobaneeyo siyaasiyiin iyo aqoonyahan dhammaantood ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa isla jagaan ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si sharaf iyo qiimo leh u soo dhaweeyey siyaasiyiinta cusub, waxaannu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay cududda Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Cismaan Sheekh Cabdi ku soo biiriyeen xisbiga KULMIYE, isaga oo bulshada reer Awdal-na ka codsaday inay xoojiyaan taageeradooda KULMIYE oo uu xusay inay dan weyni ugu jirto gobolka, “Reer Awdal waxaan leeyahay inaynu cududeena gelino xisbiga KULMIYE laba faa’iido oo waaweyn bay leedahay, waa marka hore’e qaran ahaan bay faa’iido inoogu leedahay inaynu awooddeena isugu geyno xisbigan la wada bidhaansanayo, marka labaadna duruufo badan oo gobolka yaalla ayey dawo ka tahay inaynu xisbigan ku midowno, taasna ha fudaydsanina,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Advertisement

Ku Xayeysiiso