Daawo : Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo sheegay inay WADDANI ku urureen Siyaasintii Bulshada kala dilay

Xoghayihii hore ee xisbiga WADDANI Md. Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa bulshada si waafi ah ugu sharraxay asbaabta ku kalliftay inuu KULMIYE ku soo biiro, waxaannu shacabka reer Awdal ugu baaqay in xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisu yihiin qaar danta dalka iyo ta dadkuba ku jirto oo ay doortaan, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta ku biirayo xisbiga KULMIYE, aniguna dantii dadka ee aan raacdada ugu jiray waxa ay ku soo biyo-shubatay xisbiga KULMIYE, waxaanan ku qancay hoggaaminta Muuse Biixi Cabdi iyo Saylici oo ay isugu soo urureen aqoonyahan iyo haldoor badan oo dalka iyo dibaddaba aqoon dheeraad ah u leh, waayo-aragnimada murrashaxiinta KULMIYE-na ma laha kuwa kale ee dhiggooda ahi, haddii aynu reer Awdal nahayna xulashadii way dhammaatay, maantana waxa aynu dooranaynaa madaxweynihii Somaliland ee shannaad iyo ku-xigeenkiisii, waxana aanu garanay in dantii Somaliland iyo tii gobolka Awdal-ba ay ku jiraan xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso