Inkasta oo bilaysku isku dayay in ay badbaadiyaan 52-jir haweeney ah se waxay ku geeriyootay cusbitaalka wax yar kadib markii la geeyey.
Dhibbanaha ayaa goobta u tagtay in ay badbaadiso wiilkeeda kaas oo hore isaga loogu xidhay geedka kuna xidheen koox dad ah oo xanaaqsan kuwaas oo ku eedeeyay inuu isku dayay inuu xado baabuur.
Inan ay dhashay oo iyana ciqaabta la mariyey iyo wiilkeeda ayaa badbaaday waxaanay hadda ka soo ladnaanayaan Dhaawacyadii soo gaadhay.
Dhacdada ayaa ka dhacday Caranavi oo ku taala waqooyi Bari una jirta 100 km caasimadda La Paz ee Bolivia .
Raadiyaha degaanka ah ayaa soo bandhigay sawir laba ka mid ah sadexda dhibane oo indhahoodu xidhan yihiin laguna xidhxidhay geed.
Dadka tuulada oo ay ku jiraan haweeney Ilmo ku sidata gacmaheeda iyo ardey jilbaha dhulka ku haya ayaa daawanaya meel u jirta dhawr talaabo.
Markii hore arrinku wuxuu aha baadhitaan furan oo ku tacaluqa Baabuur la Xaday haddase waxa uu isu rogay Dil iyo weerar culus .
Kaliya hal qof ayaa loo xidhay hadda Kiiskan inkasta oo ay mas’uuliyiintu ay xaqiijiyeen in ay ku lug leeyihiin kuwa kale dembiga.
Warqabadka ToggaHerer