Qormadeenan maanta ee qodobkani xambaarsan yahay, waxaynu ku soo qaadanaynaa saamaynta xun ee ay leedahay marka laga tago Maamul-wanaaggii loo baahnaa. Hadday noqoto Dowladda, Xarumaha Gaarka loo leeyahay I.W.M. Bal waxaynu u kuur-galaynaa xaaladaha imika taagan, ee lagu dhaqmo waddankeena dhinaca dadka wax ku soo bartay debadda iyo kuwa dalka gudihiisa wax ku soo bartayba.
Tusaale ahaan, bal ka warran adigoo waddanka gudahiisa amma dibaddiisa ku soo bartay cilmiga Dambi-baadhista (Criminology) oo muddo aad baranaysay cilmigaasi oo dedaal, waqti iyo lacag ku baxday, oo markii waddanka aad ku soo noqotay lagaa dhigay Madaxa Baadhista Saldhig Hargeysa ku yaalla, oo subaxdii u horraysay markaad soo fadhiisatay xafiiska laguu dhiibay nin saldhigga ku xidhan oo kufsi sameeyey oo inan fara-xumeeyey. Ka dib markii aad wax ka qoraysay dhibanayaashii falka loo gaystay ee aad is tidhi cilmigii aad soo baratay ku dabakh, si aad uga diyaariso warbixin hordhac u dhac u noqota baadhis qoto dheer. Dhinaca kale, aad u yeedhay ninkii falka kufsiga gaystay si aad warbixin uga diyaariso dambigiisa la xidhiidha. In yar ka dibba ay kuu soo galeen odayaal Koofiyad-baclayaal aynu u naqaanno, oo isla markiiba haddana ay kuu dhaafeen Taliyihii Saldhigga oo afka jug laysa siiyey, oo isla markiiba Taliyihii kuu yimaaddo kuna yidhaahdo dacwaddaa yara haki amma jooji labaddii dhinacbaa ka wada hadlayee. Dabadeedna, intaad kiiskii iska laabtay aad gacmaha laabatay. Maalintaa aad ku guda jirtay dacwadihii laguu keenay ee kuwan la midka ahaana sidan oo kale kugu dhacday oo gacmaha laabatay oo aad arkayso odayaal ku qul-qulaya xafiiskii Taliyaha oo afka uun la is galinayo, oo aanu jirin kiis aad dacwaddiisa Maxkamad gaysay. Waxa intaa dheero innamo yar-yar oo aan khibrad u lahayn Baadhista Dambiyada oo aan ku shuqul lahayn baadhista ay garab cararayaan odayaashii oo kolba ay ku cararayaan Taliyaha oo muluq-muluqdaas uun la hayo, oo nootaayooyin iyo wax la qor-qoraayo. Ka dib, markaad 6 bilood sidaasi ku jirtay mushaharkaagiina iska socday aad meeshii iskaga tagtay. Ka dib, aad nin Makhaayad haysta oo aad wax isku tihiin aad u tegtay aad ku tidhi shaqadiibaa iga xumaatayo kaasheer adeer iga dhig, isagiina uu ka yeelay. Muddo yar markaad halkii ka shaqaynaysay, haddana lagu dul keenay Makhaayaddii aad ka shaqaynaysay wiil uu dhalay ninka Makhaayadda leh oo woxooggaa bartay, isla markaana lagu yidhi ‘adeer inankanbaa meesha la wareegayee iskala kaaya jog-joog!
Aynu ku soo noqonno kiiskii kufsiga iyo wixii uu ku dambeeyey. Inkasta oo dadkeenu ay reer miyi u badnaayeen oo Maxkamado iyo Saldhigyo aan ay arki jirin oo ay dhaqan ku dhammaysan jireen arrimahan oo kale, haddana haybadda ay Dowladnimadu leedahay in laga tago maaha, haddii kale aynu iska deyno Dowladnimadda aynu sheeganayno. Waxa kale oo aad igu waafaqi kartaan inay mudan tahay haybadda iyo karaamadda Dowladnimadu ku leedahay Maamul-wanaagga in la ilaaliyo oo aan waxba lagu doorsan, oo aan la yaraysanin. Halkaas waxa ku baaba’day 20 sanno oo wax la barayay arna la korinayey oo lagu tabcaayey ayaa hal bacaad lagu lisay noqday. Juhdigii noocwalba lahaa ee la galiyey ee la baray cilmigaa qiimaha leh ee Baadhista Dambiyada oo la qiimo tiray. Ka dib arrintii kiiskii Kufsigu wuxuu keenay arrimahan:
1. In inankii falka kufsiga gaystay la soo daayey maalmo ka dib. Markii ay arkeen innamddii ay saaxiibadda ahaayeen dambiilaha la soo daayey ee iska laafyoonaya, waxa ay iyaguna ku dhaqmeen arrinkii oo ay aamineen in iyagana sidaasoo kale loo soo daynayo.
2. In Sharcigii iyo kala dambayntii uu tacab badan inaga galay ee aynu isla wada qaadanay ee Diinteena waafaqsanaa in isaguna halkaa ku beer-darroobay.
3. In nidaamkii caddaaladda oo dhami halkaa burburay.
4. In qiimo jab ku yahay waddankan qofkii wax u soo bartay, oo la qaddarinayo mid Shaadh Madoobe ah oo hoos gibleeya Madaxda iyo Odayaasha.
5. In ay niyad jab ku noqonayso tacliinta tu hoose tu dhexe iyo tu sare oo la qaato laguna shaqaysto cilmigaas, oo ay arkayaan ninkii degriiga u soo bartay oo makhaayad ka shaqaynaya.
6. In kharashkii iyo qalabkii iyo xooggii saldhigayaallay ee lacagta badani ku baxaysay ee koombuyuutar iyo wax walba lahaa ay ku dhacayso wax qabad la’aan.
7. In ay soo baxayso bulsho warwareegga wax ku doonta oo garab marta nidaamka suubban.
8. In ay nabadgalyaddii khalkhal gasho, oo dambiilihii dusha soo maro kii toosnaana hoosta maro.
9. Waxa soo baxaysa hablo laga xumeeyey sharaftii oo is yidhaahda nin qoyani biyo iskama dhowro oo halkaasna uu fusuq ka bilaabmo.
Masaladani waxay ku tusaysaa sidaan maalin walba u barbar marno maamul-wanaagga iyo nidaamka
Qodobkii 9-aad: Baabuurta Xamuulka Sidda Ee Bakhaaradda Ku Rogga Saacadaha Qaldan
Sharciga u yaalla socodka baabuurta ee magaalooyinka dhexdooda siiba kuwa xamuulka siddaa waqtiyada ay magaalo dhex mari karaan iyo waqtiyada ay alaab rogi karaan, waa mid adduunyaddu sidooda u raacdo uguna dhaqanto. Waxaana hawshaas maamula oo dabagal ku sameeya lana socda Dowladaha Hoose iyo ciidamadda ammaanka.
Marka ay timaaddo raridda iyo rogidda alaabta ee bakhaaradda suuqa ku dhex yaalla waqtiyada ay waliba samxaddu jirto, waxa ay baabuurtaasi xidhaan waddada, oo waxa istaagga isku socodka gaadiidka iyo dadkaba. arrintaasina waxa ka masuula Dowladaha Hoose. Sidaa awgeed, waa inay Dowladaha Hoose u jaraan waqti go’an oo ay baabuurtaasi waxna ragi karaan waxna dajin karaan sida 6:00am-7:30 amma 10:00pm-12:00am. Sidoo kalena darawaliinta baabuurtaasi marka ay magaalada soo galayaan waa in lagu hakiyo magaaladda kooneheeda inta ay gaadhayso waqtiyada loo fasaxay. Arrintaasna waxa ku yaraanaya samxaddii badnayd. Halkaasna wax ka dhallan kara Maamul-wanaagga aan waxba inagu kacayn oo ay ka mid yihiin.
1. In loo hogaansamo sharciga iyo amarrada ay bixiyaan Dowladaha iyo Ciidamadda Taraafigu.
2. In samxadda fooqal-caqliga ah, ee imika ka taagan magaalooyinka dhexdooda in ay kala fududaato, oo ay yaraato isku xidh-xidhnaantii badnayd ee magaalooyinka ka dhex jirtay.
3. In danta shaqsiga laga tago sida ninka gaadhiga wada iyo ninka wax loo dajinayo amma loo rarayo, islamarkaana laga horaysiiyo danta guud wax walba.
Hawshaas Maamul-wanaagga oo aan inagu kacayn hal senti, waxay u baahan tahay inay wada jir uga wada hawl galaan Dowladaha Hoose iyo Ciidamada Taraafigu.
Qodobka 10-aad
Muluq-muluqda Xafiisyada
Sidaynu dhammaanteenba ka war hayno, xafiisyada Dowladda, Kuwa Gaarka loo leeyahay, Kuwa Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Ururada Maxalliga ahba, waxa lagu ugaan jiray in shaqaalaha xafiiska loo diyaar gareeyo kursigii iyo miiskii uu ku shaqaynayey iyo tansiilaadkii kale ee hawshiisa u fududaynayey. Waxaana uu shaqadiisa ku wadan jiray xafiiskiisa dhexdiisa. Waxa kaliya oo uu ka bixi jiray xafiiska marka hawl daruuri ah ay timaaddo sida marka uu xamaamka tegayo, nusasaace uu u baxo iyo Marka uu sigaar cabbayo oo uu debadda ku soo cabbi jiray haddii uu balwaddaasi leeyahay. Waxa kale oo jiri jiray qof shaqaale oo dhex mare ahaa lana odhan jiray Biyatooni. Kaasi oo waraaqaha iyo wixii xafiisba kale uga baahdo ka dhex adeegi jiray.
Haddaba, haddaad u fiirsato xaaladda imika taagan ee xafiisyadda waddankeena lagu shaqeeyo, waxay aad uga duwan tahay nidaamkaas jiri jiray. Waxaad arkaysaa qofkii loogu talo galay inuu xafiiskiisa ku shaqeeyo aanu fadhiyeyn, ee dhowr iyo toban jeer kacayo oo kolba xafiis galayo. War-wareeggaas uu kolba u kacaayaana wax kale maahee wuxuu inta badan iska dhaadhicinaya ninka xafiiskaas maamula amma Madaxda ka sarraysa. Waxa kale oo dhici karta inuu war u kala sido shaqaalaha meesha oo uu Madaxda ka sarreysa ku dirayo. Mar-marna waxa dhacaysa, inuu debadda dad ugu baxo oo in badan halkaasi kula sheekaysto, halkii ay ahayd inuu magaaladda kale kula ballamo. Halkaasna waxay noqonaysaa Muluq-muluq aan faa’iido lahayn. Waxaana kala dhantaalmaysa hawshii loo igmaday, oo waxa yaraanaya wax-soo-saarkii iyo wax-qabadkii shaqada. Sidoo kale, waxa badanaya xasadka, istusnimada, kalsooni la’aanta, kala dambayn la’aanta iyo tayo-xumaddii shaqaalaha, oo haddii uu warqad qorayo waxa dhacaysa inuu toban jeer soo waydiiyo ninkii ka sarreeyey. Sidoo kale, waxaad arkaysaa hablihii Masaxi jiray xafiisyada ee iman jiray waqti hore, ay imika yimaadaan xilli dambe oo aad arkayso shaqaalihii oo debadda iska fadhiya oo sugaya inta la masaxayo xafiisyada. Waxaana cad in aan la eryi Karin inanta masaxda xafiisyada, waayo waxay ku joogtaa qaraabo iyo ehelnimo amma qabyaalad.
Dhammaan arrimahaasi waxay ku saxmayaan Maamul-wanaag lagu dhaqmo, oo aan hal senti inagu kacayn. Haddii la hirgaliyo Maamul-wanaaggana waxa iman lahaa wax-soo-saarkii oo bata, kalsoonidii oo badata, aqoontii oo shaqaysa, xisaabtan yimaadda, dhaqan-xumadda oo yaraata, jiilasha dambe
Maxamed Xasan <dalkahooyo2@gmail.com>