Gudaha Ka Eeg :Xisbiga KULMIYE Oo Hargaysa Ku Soo Dhaweeyay Siyaasiyiinta Abokor Maxamed Shukri Iyo Maxamed Mahdi Buuba + Sawiro

Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa si diiran loogu soo dhaweeeyay laba siyaasi oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ka soo kicitimay Dalka UK, Maantana soo gaadhay Hargaysa .

Siyaasiyiintan oo kala ah Abokor Maxamed Shukri Iyo Maxamed Mahdi Buuba ayaa Waxaa soo dhawayntooda ka qeyb-qaatay Masuuliyiin, Madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo dadwayne kale .

Ugu horayn waxaaa halkaasi hadalo soo dhawayn ah ka yidhi Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Agaasimahaa Guud Ee Wasaaradda Duulista Cumar C.laahi Aadan,  waxaanay sheegeen in siyaasiyiintan la soo dhaweeyay ay wax badan ku soo kordhin doonaan Xisbiga KULMIYE .

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Caaqil C.wali, Caaqi Xasan Badmaax oo hadalo soo dhawayn ah halkaasi ka yidhi, waxaanay sheegeen In ay labadan Siyaasi ka filayaan in ay wax badan ku soo kordhin doonaan oo ay doorkooda ka qaadan doonaan ololaha soo socda .

Guodomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Mudane Jamaac Shabeel ayaa isna halkaasi ka yidhi hadalo soo dhawyan, isagoo labadan siyaasina ku tilmaamay laba oday oo miisaan ku leh xisbiga .

Waxaa ugu dambayn Halkaasi ka hadlay Abokor Maxamed Shukri Iyo Maxamed Mahdi Buuba oo ahaa labadii siyaasi ee maanta la soo dhaweeyay, waxaanay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin ku soo laabashadooda dalkoodii hooyo, waxaanay sheegeen in xisbiga KULMIYE uu yahay maanta kan ugu dhaw Guusha haddu rabbi idmo .


 

Advertisement

Ku Xayeysiiso