Gorfayn: Barnaamijka xisbiga Kulmiye. Dhab mise dhalantee [Qeybtii 1aad]

Gorfayn: Barnaamijka xisbiga Kulmiye.
Dhab mise dhalantee [Qeybtii 1aad]
Intay sharci lagu hirtiyo
Dareen sheedaaliyiyo
Adduunyadu sharaf lahayd
Shullaha gobonim u tiil
Maahmaah uu shaacir yidhi
Yaa sheegtoo tidhaa
“Shalay dhaantaa la yidhi”
~Xasan Genay~
Akhrin ka dib waxaan garwaaqsaday in aan buuuggan barnaamijka xisbiga ka-fal-celiyo. Ugu horrayn, buuggani wuxuu isugu jiraa soo bandhigidda waxqabadkii xukuumadda shantii sano ee la doortay iyo labadii sharcidarrada ahayd, wuxuu boogaadinayaa todobadaa sano, hilaadin-wacanna ku ishaarayaa shanta danbe. Ma dhabbaa naruurrada ku qoran ee ay sheeganayaan? ma la aamini karaa buuggan cusub? kii hore maxaa qabsoomay, qabyoobay ama hallaabay. Gorfayntan, waxaynu uga jawaabi doonnaa sheegashadooda dhab mise dhalanteed,
Qaabdhismeedka buugga.
Markaad buugga furto waxaad isha ku dhufaneysaa qoraal far waaweyn ku qoran oo ah “Barnaamij-siyaasadeedka xisbiga Kulmiye” bogga labaad ee buuggu wuu banaan yahay [ waa kan PDF ka een hayo] bogga saddexaad na waxaa ku yaalla hal-ku-dhigga barnaamijka oo ah “Horaa Loo Soconayaa” bogga afaraad wuu banaan yahay, bogga shanaad ilaa tobanaad na waxaa ku yaalla “Tusmada Barnaamijka” Guud ahaan: buuggu wuxuu ka kooban yahay 124bog, oo u qaabeysan todoba tiir. Gogoldhig waxaa  barnaamijka loo ga dhigay hadal uu madaxweynaha, musharaxa madaxweyne iyo ku-xigeenkiisu barnaamijka ku iba-furayaan, saddexdoodu ba waxay iska dabomarayaan in marag madoon tahay waxqabadka xukuumadda Kulmiye ku na tilmaamayaan xukuumaddii waxqabadka.
Ereyga Madaxweynaha:
[..] Waxaa marag madoon ah in xukuumadda aan hogaamiyo ee xisbiga Kulmiye tahay xukuumaddii waxqabadka”
Hadalkaa madaxweynaha waxaa ku lifaaqan waxqabadka xukuumaddiisa, waxaa buugga la gu taxayaa dhammaan waxkasta oo marag u noqon Kara hadalka madaxweynaha, waxaan rabaa in aynu isdultaagno waxqabadkaa xukuumadda Kulmiye sheegatay, maxaa ka dhab ah, maxaa se qabyoobay ballaqaadkoodii hore, ogow, buuggan kuma qorna ballamihii buuggii hore ee Kulmiye een la qaban ee qabyoobaya. Laba iyo tobanka waxqabad ee ay sheegeen aynu mid mid u soo qaadanno.
– Miisaaniyaddda waxaanu ugu nimid ($47,000,000) waxaannu gaadhsiinay ($362,527, 393) oo ka kooban miisaaniyaddda dowladda dhexe, ta hoose iyo deeqaha caalamiga ah.
 Isbarbardhigga miisaaniyaddda xukuumadah UDUB iyo Kulmiye ma sax baa? UDUB, sidee ayey miisaaniyaddda u arkeysay? Marag aynu u qabsanno taageerre Kulmiye ah, ahaa na mucaarid hore, waa kan Jamaal Cali Xuseen oo arintaa si faahfaahsan u ga hadlaya ma dhabbaa Miisaaniyad korortay? Mise culays iyo canshuur baa korortay https://youtu.be/Bs6870SYxbI. Markaad aragto canshuur kororka, Sicir-bararka, sarif xakamayn la’aanta, shaqeyn la’aanta baanka iyo qiimo-dhaca shilinka qaranka oo maalintii xukuumadda Kulmiye timid ahaa 1$ = 6,500Sl halka maanta na uu marayo 10,000Sl = $1 ma horusocdnimaa mise waa dibusocodnimo. Qof kasta oo maanta danyarta la dareen ah, dhibaatadooda ka damqanayaa, ay dhibeyso duruufta adag ee haystaa uma arkayo canshuur kordhintaa iyo sicir-bararka guul ee wuxuu u arkaysaa guuldarro.
– Kor u qaadida tirada iyo tayeynta shaqaalaha
Buuggii hore ee Kulmiye waxaa ku qornaa sinnaanta shaqaalayn bulshada, waxaa ku xardhanaa in si siman oo caddaalad ah ummadda loogu garsoor doono, todobada gu’ caddaaladdarro ugu weynad waxay ka dhacday shaqaalaysiinta oo wasiir walbaa qorto qofka uu rabo. Waa kan Sharmaarke Geelle oo ah masuul cusub oo dhaqankaa todobada gu’ jiray marag inoogu furaa la na yaaban sida wasiirradu wax u wadaan  https://youtu.be/dV3ypSIAQG8.  ma jirin sinaan muwaadinku ugu tartamo, tani tayeyn ma ahayn ee tayo tir bay ahayd. Muwaadinka shaqo helay waa boogaadineynaa se hadduu sifo sharci-darro ah ku helay waa in uu ogaadaa in uu sifo xun ku shaqaaloobay, xukuumadda caddaaladdarradaa faan u noqon mayso, waa bar madow oo garsoorxumo ah–oo ku taalla, waa na sababaha loo rabo isbeddel ummadda u xaqsoora oo xaqdarro guul u arag.
–  Hirgalinta qorshayaasha biyo-soosaarka dhulka oomanaha ah iyo mashruuca biyo galinta Hargaysa.
Qurbajoogta barnaamijka qortay iyo kaaliyayaashooda biyo-saxada ku farxashaa dhibka jira ma oga! Bal eeg abaartii dhacday waxaa la dawarinayey goob “Biyo” loo ga dhaammiyo dadka abaarreysan halkeerna waxaa qoraal caal’waa ah lagu qorayaa hirgalin biyo-soosaar! Dadkii abaartu haleeshay ee gobollada bari waxay u hayaameen galbeedka dalka iyo ilaa dalalka jaarka: Qardho oo Bariga Soomaaliya ah. Ummaddeenna waxaa hayaankaa ugu wacnaa waa “Oomanaha” eegga na waxaa la qorayaa mala’awaal aan la la xishoon oo yaqyaqsigu ka sii yaqyaqsoodo. Tan, haddii aynu dhaafno bal eeg biyo-balaadhinta Hargaysa, waa mashruucii hantida ugu badan lagu lunsaday, todoba gu’ mashruucaas waxaa lagu lunsaday ($130,000,000) oo midowga Yurub bixiyey, waxay dowladdu maarayn wayday mashruucii xunba weyne oo ay noqotay mid iyadu taakaysay, waxaa jiray in imaaraadku “Khaliifa Foundation” ay mashruucaas u xilsaartay haayadda “Falaax Al-axbaabi” haayaddaasina ay caqabaddii u gu weynad kala kulanto xukuumadda oo maarayn kariweyday khilaaf dano ashkhaas iyo arimo hoose u lug jiiday mashruucaas oo ilaa maanta taagan, shaqeyn la’aantaa mashruucaas in waxqabad laga dhigtaa waa kadeedka Kulmiye ee caddaymaha u ah todobada gu’ iyo Dheef la’aanta ummaddu ka joogto.
– Waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe oo la ga dhigaya lacag la’aan.
Xukuumadda Kulmiye dooddan ma ka run sheegaysaa? Haddii aan qoraal ku buriyo waxaa laga yaabaa in aadan qaadan se aan markhaati cad kuu keeno bal daawo hooyooyinkan https://youtu.be/QFfJNX7gRHQ  tani waa arin aad looga murugoodo xukuumad ummaddeedii hafraysa, waa na tusaale cad oo ah mala’awaal iyo dheef la’aantoodii, haddii aynu ku ogayn musuq, hanti-boob, sharci-jabin iyo waxqabad la’aan waxay ku darsatay masabidaad iyo waxaan jirin sheegid.
La soco qeybta 2aad
W/q: Cabdirashiid Cismaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso