Asbaabaha ay Dhalinyaradda iyo shacbiweynaha Xisbiga gobolka Gabiley ay ku dooranayaan Xisbiga Kulmiye

Asbaabaha ay Dhalinyaradda iyo shacbiweynaha Xisbiga gobolka Gabiley ay ku dooranayaan Xisbiga Kulmiye waxaa u sabab ah Masuuliyiinta Xilalka ka haysa xukuumadda sida ay ugu diirsadeen waxqabadkooda iyo Hogaanka ka sharaxan muuse biixi oo usoo dhcin kara gobolka Waxay tabayaan marka uu madaxweynaha ku guulaysto.

Sida aynu ka warqabno waxaa xukuumadda Xisbiga Kulmiye taladda dalka haysatay ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo muddo ku siman 7 sannadood muddadaasi oo Gobolka Gabiley ay ka hirgelisay Waxqabadyo la taaban karo sida Wadooyin mashaariic badan sida ceelal Horumarinta Bustaanadda khudradu kasoo go,do ee Gobolka Gabiley taasi oo ay maalgelisay midowga yurub anba sanduuqa horumarinta SDF SOMALILAND DEVELOPMENT FUND kaasi oo dhinacyo badan maadaama gobolku yahay beeralay bustaano ama baayacmushtarka intaba ay ka taakuleeyeen mashruucaasi sidoo kale Gobolka Gabiley waxaa degmooyinkiisa lagu daadejiyay Waxqabadkii Waqtiyaddii hore ku eekaan jiray Degmadda Magaalo madaxda Gobolka Gabiley ee Gabiley Mashaariicdaasi Waxaa ka mid ah Wasaaradda Beeraha ayaa hagaysay iyo Weliba Dawladda hoose ee Gobolka Gabiley iyaduna dhinaceega 21 ka xildhibaan ee Golaha deegaanka ee gabiley ay ku fidiyeen Degmooyinkii laga soo doortay iyadoo Gudoomiyaha golaha deegaanka maayaraddii soo maray 7 daasi sanadood sida Shucayb Maxamed muuse iyo Amiin Cumar dheere maayarka hadda xilka hayaa mid kastaa geestiisa Horumarka ay xukuumaddu doonayso inay hirgeliso maayar kastaa ku dedaalay inay xukuumadda tusaan si ay wax uga qabtaan maadaama ay iyagu codkii shacabka ay metalaan xildhibaanaddaasi .

Waxaa Xusid mudan in Wakhtigii Wasiir shucayb maxamed muuse uu maayarka Gabiley ama gudoomiyaha golaha deegaanka uu ahaa La Bilaabay mashruucii GPLG oo ah Mashruucii maaamul daadejinta Waadooyinka qaarna wakhtigaasi la hirgeliyay marka laga reebo Gudoomiyihii isaga ka horeeyay Sida Khadra Xaaji gaydh oo iyadu markii ay maayarka ka ahayd iyadu dhaqaalahii ama cashuurtii gobolka usoo xaroonaysay ka samaysay ee awal la leexsan jiray ka dhistay Waddooyin door ah .

Wasiirka Wershadaha ee haatan horena u ahaan jiray maayarka Gabiley ayaa waxqabad muuqda ka sameeyay xildhibaanaddii danbe markii la doortay ee golaha deegaanka waxaanu hagleelay ama dhisay waddooyin laamayda sare New gabiley ku yaala iyo Waddada TAANGIGA labaad tagta halka Maayarka hadda xilka haya ee Gabiley uu hirgeliyay Wadooyin tayo leh iyo LAYDH SOLAR ah oo wadddooyinkii lagu taxay ama laamayda sare ilaa suuqa laamay kasta birihiii laydhka ee Solarta ahaa ad ku arkayso dadweynihii Gabiley ee surinadda madow dhibta kala kulmi jiray hadda waxaa xataa laga ilaaliyaa dhalinyaradda budhcadda ihi inay laydhkaasi dhagax ku dhuftaan oo dadweynuhu gacantooda wax kaga qabtaan ama ay u ilaashadaan waxaana dhialinyaraddii kooxo kooxaha wax ku dhici jiray ama dadweynaha dhibta ku hayn jiray laga dhigay Askar ama ciidan ka hawlgalla nabadgelyadda dadweynaha arrintaasi oo nabadgelyadda sii xoojisay gobolka sida aan ku soo arkay gobolka Socdaal aan dhawaan ku tegay.

Wasiiradda Aqoonta leh ee loosoo xulay gobolka Gabiley Waxaa xusid mudan Professor Maxamed Awdaahir oo ah wasiirka beeraha ee Somaliland oo ah PHD holder qurbe joog cilmiga beeraha ku tallaxtagay oo isagu degmo kasta oo Gobolka ah hadday noqoto ceelal iyo beeraha iyo bustaano mashaariic kor u qaadaya ama hayaddaha dalka deggen uga keenay mashaariic dhaxal gal ah qaar kalena Xukuumadd ama Wasaaraddiisu ka hirgelisay ayaa si weyn loogu diirsadday Waana Aqoonyahan ruugcaddaa ah oo bulshaddii uu xilka u hayay ee uu kasoo jeeday waxbadan usoo dhiciyay ama shirarka caalamiga ah ee uu ka qeyb gallo Wasaaraddiisa wax kusoo kordhiyay ama ama gobolka uu kasoo jeedo ee uu u dhashay ee gobolka Gabiley sida waxqabadka kale ee uu wasiir ahaan uu ku fidiyay Waxqabadka Wasaaradda Beeraha sida gobolka Saaxil Burco oodweyne ceerigaabo boorama Gobolka Hawd Ceerigaabo ilaa Saylac iyo ceelafweyn ama saraar iyo salaxley

Wakhtiyaddii ka horeysay waxqabadka Wasaaradda beeruhu waxay ku eegaan jireen ama scaleka beeraha SEDEX Gobol ayaa ugu badnaan jiray waxqabadka Gobolka Hargeysa oo Gobolka GABILEY IYO AWDAL ayaa hadday Agab noqoto beero loo qodo saacadda loo qodi jiray ama ceelal loo dayac tiri jiray ama haro daamam loo sameyn jiray ama ugu danbeyn bustaanadda ku yaala loo horumarin jiray balse wasiirka haatan xilka wasaaraddaasi haystaa waxqabkii wuu balaadhiyay gobolo kale oo wax laga beeran jiray sida Oodweyne iyo hawd iyo barigaba ku yaalay oo awal waxay xaqa u lahaayeen ka dulmanaa oo reer guuraa uun lagu tirin jiray ayuu soo gaadhsiiyay mashaariic badan oo hayaddo dalka deggani ay mashaariic badan ku maalgeliyeen sida la dagaalanka nabaadguurka biyo qabatimo ama hababka wax loo beero oo casriya la gaadhsiiyay iyo agabkii wax lagu beerayay iyo seedba intaba la gaadhsiiyay.

Dhinaca kale Wasiirka Wershadaha ee Somaliland mudane Shucayb Maxamed Muuse oo Xilka 4 sanno ka hor xilka kala wareegay Abiib diiriye nuur Abiib timacad ayaa wasaaraddaasi si weyn uga shaqeeyay inay wasaaraddaasi ku shaqeyso nidaam iyo kala danbeyn iyo sharci intaan ogahay Wasaaraddaasi oo dhamaan shaqaalaheegu shaqadda soo galaan 8 subaxnimo waxaana dhamaan laga rawaxaa Salaada Duhur ka Bacdi 1.00 duhurnimo Masuuliyiinta waaxyaha iyo wasiirkeeda wasiirkuxigeenkeeda Agaasimaheeda Guud kama rawaxaan haddaanay socdaal ku maqnayn dibadda ama goboladda ah ama fasax aanay shaqadda kaga maqnaan karin sharcigaasi oo Wasiir Shucayb maxamed muuse isagu wasaaraddaasi uu ka sameeyay taasi oo Waxqbadyo badan ay Wasaaraddu ku kasbatay ama ay wakhti u heshay.

Wasaaradda Wershaddaha ee Somaliland oo shaqaalaheedu 80% ay yihiin dhalinyaro ninka shaqaalaha ah ee aan soo sheegin wax uu kaga maqan yahay ama aan fasax la,aan ka maqnaada shaqadda wasiir shucayb wuxuu hirgeliyay in lacagtiisa mushaharka maalintaasi wax laga jaro sida uu ku shaqeeyo caalamku maanta waxaa ka reeban qofka warqad fasax ah soo qorta ee Shaqadiisa la hayo cid buuxinaysa shaqaddiisa arrintaasi oo wax weyn ka bedeshay nidaamkii markii hore la jiifiyaa banaan ahaa wakhtigii ka horeysay.

Wasiirka Wershaddaha ee Somaliland mudane Shucayb maxamed muuse 7 sanadood ee xilka hayay ee uu marna ahaa Gudoomiyaha golaha deeegaanka ee Gabiley uu ahaa iyo wasiirka weyshaddaha inta uu ahaa wuxuu shaqo geliyay dhalinyaro tiro badan oo u dhalatay gobolka Gabiley oo uu shaqooyin ka siiyay dawladda hoose ee Gabiley oo aqoon leh iyo hadday noqoto wasaaradda wershaddaha qaar badan oo uu shaqo geliyay arrintani oo ahayd wax aan masuuliyiintii ka horeeyay ku dhici jirin hadday dhacdana ku dhiiranaantaasi tiradda uu shaqaaleeyay aanay ku dhaweyn marnaba ee balse qof iyo laba iyo sedex aanay dhaafi jirin balse aan la arki jirin nin halkii loo magacaababa ama loo doortaba ama shaqaddii wasaaraddaha kale is dhinac wadda Dhalinyaraddii gobolkiisa Gabiley iigu dara shaqadda meel kasoo baxda ama wasaaraddaha ha noqoto ama sharikaddaha ama hayaddaha dalka booskii kasoo baxa .

Suaasha isweydiinta leh aan Faalladaydan ku soo Gunaanadayaa Arrintaasi sifahaasi ma kaga dayan doonaa Maayarka Hadda xilka Dawladda hoose ee gabiley xilka ka haya ee Amiin Cumar dheere oo aan waxqabad yarayn balse dhalinyaraddii gobolka Gabiley ee jaamacaddaha gabiley iyo hargeysa ka qalinjebisay mid walba ku odhanayo markii aanu shaqo weydiisanay ee aanu cvyadaayadii u geysanay wuxuu noogu jawaabayaa shaqo hasoo baxdo halkeese haka soo baxdo ma sheego ayay yidhaahdeen iyo wakhti toona halka maayarkii hore ee shucayb deg deg u shaqaalaysiin jiray qaarkoodna xilal ka siin jiray Dawladda hoose ee Gabiley kuwaasi oo maanta shaqeeya kana mahadsheegta ninkaasi ku dhiciisa .

Waxqabadka uu Amiin cumar dheere maayarka Gabiley waxaa ka mid ah inuu awoodiisa ku fidiyay degmooyinka Gobolka gabiley oo wakhtiyaddii ka horeeyay isku haysan jiray inay ka madax banaan yihiin oo aanu xukumin waxaana ka mid ahayd Degmadda marso ganacsiyeedka Togwajaale iyo gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka oo u haysan jiray in keliya laga maamulo wasaaradda arrimaha gudaha ee aanu maamulin gudoomiyaha golaha deegaanka ee Gabiley laakiin dhaliishu waxay tahay Maayar amiin cumar dheere halkay mareen dadkii soo doortay niyad jabkii jawaabtiisa waxay kula soo qulquleen maroordilaaceegii Caasimaddii oo cvyaddii ay lasoo galeen waxaanay u samri waayeen shaqo ha soo baxdo wakhti laaan maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaah nin meel u caddahay meelna u madow.

Qalinkii Mohamed mussa inji

Hargeysa

Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso