Kirkuk: Kumanaan peshmerga Oo Lagu Daadiyey Gudaha iyo Hareeraha Magaalada Si looga Hortago Weerar uga Yimaada Ciraaq

Sarkaal Sare oo ka tirsan Kurdishka ayaa sheegay maanta oo Jimce ah in ciidamo Xoogan aadna u hubaysan lagu sii daayay gudaha iyo hareeraha Kirkuk si looga hortago weerar suurtagal ah oo ka yimaada Kooxaha Shiicada ee loo Yaqaan Xashdi Shacbi kana barbar dagaalama ciidamada Ciraaq.

“Ciidamada Peshmerga waxay diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan weerarrada suurtagalka ah ee ay sameeyn karaan ciidamada Xashdi Shacbigu,” ayuu yidhi Haman Hawrami oo ah kaaliyaha sare ee madaxweynaha gobolka Massoud Barzani .

Ilo xogogaal ah oo laga soo xigtay sarkaal Kurdi ah ayaa sheegay in tobanaan kun oo ciidamada Peshmerga ahi ku sugan yihiin Kirkuk si looga hortago khatarta ciidamada Ciraaq.

Wakaaladda wararka ee “AFP” ayaa ka soo xigatay waxa ay ku tilmaamtay sarkaal sare in ciidamada Ciraaq ay ka bilaabayaan hawlgal milatari koofurta Kirkuk.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso