Horumarka Muuqda ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya(DDSI)
W/Q:Guuleed Axmed Xaashi
“Xidaarnimo maxay tari haddaan la is xilqaamaynin” AHUN Abwaan Dhoodaan.
Abwaan dhoodaan wuxuu tuduca kor ku xusan ku sheegaya sikasta oo qofku aqoon iyo xirfad u leeyahay in haddaanu qofku xilkas ahayn oo aanu isdirayn aanu qax badan qaban Karin.
Waxa aan qalinka u qaatay in aan wax ka iftiimiyo horumarka Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya(DDSI) ay ku talaabsatay sanadadii u dambeeyay, Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay hoos tagtaa Dawladda Fedaraalka Itoobiya, waa dhul taariikh fog ku leh geeska Afrika , Dawlad deegaanka Soomaalidu waxa uu ahaan jiray deegaan aan horumar lahayn intii ka horays maamulka Madaxweynaha hadda taladda haya Cabdi Maxamuud Cumer, C/salaan Hereri oo dhawaan waraysi dheer la yeeshay raysal wasaaraha Dawladda Fedaraalka ah ee Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn waxa uu sheegay in uu Magaalada jigjiga u iman jiray isaga oo daraasado cilmi ku hawlan, wakhtigaa waxa uu sheegay in ayna magaaladu xataa aanay lahayn hoteel fiican oo la seexdo, laakiin hadda uu indhihiisa ku arkay in ka badan 30 Huteel oo casri ah. Waxa deegaanku ku talaabsaday horumar muuqda intii uu xilka hayay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumer .
Kor u qaadida reer Miyiga iyo Beeraha.
Reer Miyiga iyo Beeralaydu waxa ay Soomaalida ugu jiraan kaalinta koowaad, waxa ku tiirsan badiba dadka ku nool dhulka Soomaalidu dagto, Cimilada oo isbadashay awgeed waxa gabaabsi noqday dhulkii dalaga lahaa, waxaa adkaatay nolosha dadkii miyiga daganaa, waxa ay u baahdeen caqli iyo cilmi ku kordhiya sidii ay u sii noolaan lahaayeen una sii wadan lahaayeen noloshooda, DDSI waxa ay kaalin muuqata ka qaadatay doorkeedii ku aadanaa xoolo dhaqatada iyo beeralayda waxaana la hirgaliyay:
- 96 Haaf Dhaam oo laga fuliyay guud ahaan degmooynka oo dhan
- Maxjarka dhoofinta xoolaha
- Masnooyinka waraabka Wijiwaaji,Maracaato iyo Goomaar
- Soo iibinta 200 oo Cagafyada dhulka qoda, 20 kuwa gooya Beeraha Baldoosaro ama Caqli badanta, Iska rogooyinka iyo qalabyo kale oo badan.
Raysal Wasaaraha Itoobiya oo warysi dheer siinayay Telefishanka Universal waxa uu qiray in horumarka dhanka biyo soo saarista ah ee DDSI gaadhay uu tusaale iyo ku dayasho u noqonayo guud ahaan Kilidhada kale oo Itoobiya.
Kaabayasha dhaqaalaha
Aduunka maanta aynu ku noolahay waxa lagu tartamaa isla markaana wadan lagu qiimeeyaa kaabayaashiisa dhaqaale, waa meesha laga qiyaaso horumarka uu dal leeyahay,kaabayaasha dhaqaaluhu waa danta guud ee Ummadu wada leedahay hadday tahay wadooyinka, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Garoomada Diyaarada, waa kuwa isku xidha isku socodka dalka gudihiisa iyo wadamada jaarka ahba,waa kuwa dhiiri galiya Ganacsiga, haddaba Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya(DDSI) waxa u suura galay :
- Madaxtooyada cusub.
- Garoonka diyaaradaha Qabri Dahar
- Buundada Waangay oo laga hirgaliyay Fiiq
- 7 Buundo oo ah kuwa waaweyn
- Real stateka jigjiga ee Dulqabaw
Dhinaca Caafimaadka waxa la sameeyay Males Refiral Hospital oo noqonaya kan ugu wayn DDSI, si looga hortago oo loo xaliyo gubashada Magaalooyinka waxa DDSI soo iibsatay 10 baabuur oo ah kuwa dab damiska.
Haddaynu eegno dhinaca Wadooyinka waxa tusaal nool u ah Magaalada Jigjiga oo qofkii hore u arkay ay hadda la tahay magaalo kale, waxaa la sameeyay wadooyin caalami ah oo ay u dhamaystiran yihiin dhammaanba calaamahadii iyo laydhadhkii ay lahayd Waddo casri ahi, wadooyink Magaalada Jigjiga waxa ay leeyihiin meelihii dadweynu marayeen iyo Biriijyada wadooyinka dul mara si ayna dadka iyo Gaadiid isku dhax socon, waxaa laga yaabaa in qofka aan magaalada arag ay la tahay buun-buunin laakiin hore ayay Soomaalidu u tidhi “ isha ayaa macalin ah”, iyaga oo u jeeday in wixii ay Indhuhu arkaan ayna u baahnayn sharaxaad.
Dhinaca Waxbarashada waxyaalaha la fuliyay waxa ka mid ah 6 Kuliyadood iyo iyo Jaamacad kuwaas oo gacan ka gaysan doona kor u qaadida Waxbarashada Deegaanka.
Horumarka Warshadaha iyo waxsoosaarka
Warshadaha waa isha Waxsoosaarka iyo Horumarka, waa meesha lagaga maarmo wax soo dajishasada iyo baahida badeecada dibada waxa lagaga kaaftoomada ku tiirsanaanta Wadamada kale, waxa ay Warshaduhu kor u qaadaan lacagta dal leeyahay sidoo kale waxa ka ka hortagaan Sixir Bararka qiima dhaca lacagta dal leeyahay, waa astaanta haybada iyo karaamada ummad ay leedahay haddaba waxa ay DDSI samaysay :
- Warshada hilibka
- Warshada caanaha
- Warshada saliida
- Warshada furaashyada
Shaqaalaysiinta dhallinyarada Jaamacadaha .
Dhallinyaradu waa awooda ama cududa uu dal leeyahay, waa ubaxa maanta iyo hogaamiyaayaasha barito, waa kuwa haddii si fiican loo jaheeyo dalkooda kaalin muuqata ka gaysan kara,Dawlad Deegaanku Soomaalida Itoobiya (DDSI) waxa ay shaqaalaysiisay 45,000 qof oo Shaqo abuur iyo daymo la siiyey iyo Shaqaalaysiinta 7000 oo aqoonyahan. Waxa kale oo xasuus mudan in DDSI uu leeyahay nidaam u baahan in lagaga daydo oo ah in ardayda Jaamacada kasoo baxda Dawladdu meelayso kuna qorto arday kasta xafiisyada iyo haayada dawladda. Waxaa xasuus mudan In badanaa xafiisyada Muhiim ka ah ay maamulaan dhallinyaro aqoonyahan ah oo u daacad ah xilka iyo masuuliyada loo igmaday.
Hoos u dhaca Musuq-Maasuqa
Musuq-Maasuqu waa waxa curyaamiyay badani dadalka Afrika, waxa uu haybadii ka qaaday Dawladdaha ka jira Afrika, waxa meesha ka baxay kalsoonidii muwaadiniintu ku qabeen madaxdooda kadib markii ay lunsadeen wixii ka dhaxeeyay Ummada. Musuqu waxa uu Ummada dhaxalsiiyay in dad koobane gacanta ku qabtaan Hantida iyo Kheyraadka dal leeyahay
Haddaba Intii uu joogay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumer, waxa aad hoos ugu dhacay musuq-maasuqa iyo wax is daba marinta, waxaa la hirgaliyay nidaam dabagal ah oo lagu ogaanayo fulinta Mashaariicda iyo Masuuliyiinta xilka loo egmaday, inta badan waxa sidooda loo fuliyaa Mashaariicda ay Fuliso Dawladdu
Xogogaal u noqoshada dadweynaha
Masuulka u sareeya ee dal leeyahay waxa uu Masuul ka yahay dhammaanba inta ku nool dalkiisa, waxa caanka ka ah Waddamada soo koraya in shicibka iyo Madaxweynaha loo dhaxeeya, markastana Madaxweynaha looga warayamay barwaaqo iyo Badhaadhe in ay dadkiisi ku nool yihiin, Intii uu Madaxweynaha DDSI talada hayay waxa uu meesha ka saaray in isaga iyo dadkiisa loo dhaxeeyo, wuxuu socdaal isdaba joog ah ugu baxay guud ahaan Gobolada iyo Dagmooyinka Deegaanka,tani waxa ay keentay in Madaxweynu soo arko baahiyaha dhabta ah ee deegaanadu qabaan isaga oo xaalwaraysi la yeesha odayaasha iyo waxgaradka Deegaanka.Socdaaladii u dambeeyay waxa Madaxweynuhu ku maray deegaamo badan oo hoos taga Dawlad deegaanka, isaga oo qaybiyay raashin iyo deeqo kale oo ay aad usoo dhaweeyeen.
Isku xidhka Deegaanka iyo Qurba- joogta
Qurbajooga oo dadka deegaanka kasoo jeeda, waxa ay ku kala nool yihiin Waddamo kala duwan. Qaar badan oo ka mid ah Qurbajoogu waxa ay leeyihiin aqoon, waayo aragnimo, xirfado, hanta iyo ganacsiyo sidaa darteed waxa ay hadda ka heleen dhiirigalin iyo soo jiidasho, qurbajooga DDSI waxa ay maalgashadeen dalka, qurbajooga iyo qofkasta oo horumar kasamaynaya deegaanka waa la gacan qabtay waxa la siiyay waxkasta oo u fudaydinaya in ay maal gashadaan sida dhulka iyo sharciga u fudaydinaya Maalgashiga Deegaanka.
Soo noolaynta Dhaqanka iyo Afka Soomaaliga
Soomaalidu waxa ay lahayd Dhaqan qurux badan, oo xeerar iyo sharci leh, oo Suugaan iyo Maaweelo leh, waxa uu ahaa Dhaqan aanad ka xiiso goynayn oo milgo iyo sharaf leh, nasiib daro dhulka ayuu ku dhacay kadib markii uu waayay in cid soo noolaysa oo dib uga shaqaysa, DDSI waxa ay soo nooleeyeen dhaqankii Soomaalidu lahayd, waxaa tusaale u ah sida Dhaantadu u noqotay mid aad looga xiiseeyo dhammaan deegaanda Soomaalida,DDSI waxa ay galiyeen dadaal aad u badan sidii looga shaqayn lahaa kor u qaadida dhaqanka iyo dhiirigalintiisa, wayna ku guulaysteen oo maanta Suugaantii iyo dhaqankiiba meel fiican ayay gaadhsiiyeen.
Guntii iyo Gabagabadii
Horumarka DDSI ay samaysay waa mid muuqda oo muddo kooban lagu hirgaliyay , waxa la gudboon dhammaan hogaamiyayaasha Soomaalidu in ay ku daydaan isla markaana cashar ka bartaan DDSI , maanta badabi Hogaamiyaaysha iyo Dawladaha ka jira Dhulka Soomaalidu waa qaar aad u tabar daran oo uu curyaamiyay Musuq-Maasuq, xisaabtan la’aan, Cadaalad darro,xilkasnimo la’aan. Waxaa jira waxyaalo badan oo lagaga dayan karo Dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxa laga yaabaa in Jaamacada lagu dhigto aragtiyo(Theories) horumarineed oo laga soo amaanaystay Galbeedka, in badan oo ka mid ah laguma dabaqi karo Afrika waayo waa laba deegaanka oo aad u kala duwan laakiin horumarka uu gaadho dal Afrikaan ah ayaa ah ka laga qaadan karo wixii horumar ah sababta oo ah wax badan ayay wadaagaan, bal ka waran hadaba horumarka uu gaadho dal jaar kaaga ahi, wixii uu kaaga fiican yahay in aad ka qaadataa waa arrin muhiim ah.
Tixraac
Amiin Qaamuus/facebook/waxqabadka DDSI
Universal TV/ Waraysiga C/salaam Hereri la yeeshay Raysal Wasaaraha Itoobiya
Guuleed Axmed Xaashi