Masiixiyiin Ku Dilay 25 Muslimiin ah masaajid ku yaala Badhtamaha Afrika

Ugu yaraan 25 Muslimiin ah ayaa lagu dilay masaajid ku yaal magaalada koonfurta ee Kempe, koonfurta Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika.

Abdul Rahman Bourno gudoomiyaha Golaha odayaasha Kempian ayaa sheegay Jimcihii in mucaaradku ay hareereeyeen masaajidka ka dibna ay weerareen saacadaha hore ee subaxnimadii hore Wuxuu intaa ku daray in weeraryahannadu ay dileen imaamka Masjidka iyo ku-xigeenkiisa.

Masuuliyiinta degaanka ayaa amar lagu siiyey shan maalmood oo Baroordiiq ah kaga dhawaaqaan magaalada.

Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ee Qaniga ku Ah Macdanta laakiin la daala dhacaysa Faqri baahsan ayaa waxa xasuuq lagu hayaa Muslimiinta tan iyo dabayaaqadii 2012 Markii Rabashaduhu ka Qarxeen Dalkaas.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso