Xaftar: Wax Aad u yar ayaa Nooga Hadhay Dhamaystirka In aanu La Wareegno Guud ahaan Liibiya

Taliyaha ciidamada Liibiya Khalifa Hafter ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ka taliyaan hada inta badan dhulka Liibiya isaga oo ku nuuxnuuxsanaya in ay jiraan dhawr meelood oo yaryar oo ka baxsan xakamaynta ciidanka kana badnayn aagga 30,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.

Kulan uu la yeeshay Saraakiil iyo askari ku sugan magaalada Benghazi ayaa Xaftar ka sheegay in “Dhulka Liibiya yahay hal milyan iyo 760 kun oo km ciidankuna hadda waxay xukumaan hal malyan iyo 730 kun oo km waxa hadhay na yihiin wax yar .”

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen goobaha galbeedka ee Tripoli oo ka soo jeeda Zuara oo ku yaal xudduudka Tunisia iyo xitaa magaalada Saawiyah ee ku taal 30 km galbeedka caasimadda Tripoli isagoo ku nuuxnuuxsaday in maalmaha soo socda ay si buura ah ay ula wareegi doonaan Saawiyah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso