Daawo: Munaasbad Balaadhan oo Lagu Xusaayo Maalinta Calanka Dowlada Federalka Dalka Ethiopia oo ka dhacay Magaalada Jigjiga

Jigjga,(Togaherer), Isniin, 16ka October, 2017. Waxaa maanta si Heer sare ah  looga xusay guud ahaan dalka Ethiopia  gaar ahaan deegaanka Soomaalida Ethipia  khaasatan  caasimada  Ceegaanka Ee Jigjiga munaasabada  10aad ee  xuska maalinta calanka Jamhuuriyada Dimoqraadiga Federaalka Ethiopia.

Haddaba, munaasabadan xuska oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday garoonka kubada cagta ee caasimada deegaanka ee Jigjiga , Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI golaha ,kaabineetka DDSI, golaha wasiirada, shaqaalaha heer deegaan, ciidamada qaranka, ciidamada kala duwan ee amniga DDSI, odayaal dhaqameedka deegaanka, qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada DDSI  iyo kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan xuska maalinka calanka dalkeena itoobiya Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar   oo  ugu horayntii ugu hambalyeeyay guud ahaanba shacab waynaha reer  Ethiopia  gaar ahaan shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaan  munaasabadan qaaliga ah ee  xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay tahay maalin ay xusitaankeedu ku  wayn tahay  quluubta iyo qalbiyada  dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer Ethiopia gaar ahaana shacabka DDSI islamarkaana loo soo maray halgan adag helitaanka calankan qaranka. Wuxuuna madaxwaynahu intaa kudaray in  calanku uu yahay astaanta kaliya ee muujinaysa qaranimada, madax-banaanida, midnimada wada noolaanshaha iyo is-jacaylka qoomiyadaha iyo shucuubta kala duwan ee dalkeena Ethiopia. Madaxwaynaha DDSI ayaa si Qoto Dheer uga waramay ahmiyada ay leedahay nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta Ethiopia wuxuuna sheegay in ay  ka go’antahay xukuumada DDSI iyo shacabka DDSI hirgalinta nabadgalayda xalwaara loogu helayo  xalinta khilaafaadka  xuduuda deegaanka Soomalida Ethiopia  iyo deegaanka Oromada.

Dhinaca kale madaxwaynaha DDSI ayaa tacsi diiraanyo u diray   dawlada Soomaliya iyo shacabkeeda isaga oo uga tacsiyadeedyay dadkii Soomalida ahaa ee sida arxan-tarada ah loogu xasuuqay caasimada Soomaliya ee Muqdisho.  Ugu dambayntii madaxwaynaha DDSI ayaa  ku booriyay qay-baha kala duwan ee shacabka DDSI in ay sii adkeeyaan  ilaalinta nabadgalyada deegaanka si aan carqalad loo galinin geedi socodka xawaaraha horumarka deegaanka iyo guud ahaanba dalkeena Ethiopia islamarkaana la sii xoojiya la  tadagaalanka aragtida xagjir-nimada iyo falalka xun ee argagixisanimada ah ee ay wadaan kooxaha nafla caariga ah  gabaadka ka dhiganaya kana ganacsanaya diinta Islaamka

Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxay   Kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI oo ku soo bandhigeen  heeso iyo dhaantooyin si wayn loogu kacay oo ka turjimaya ahmiyada uu leeyahay calanka qaranka dalkeena Ethiopia.

 

Warqabadka Togaherer

Jigjiga

Advertisement

Ku Xayeysiiso