Toban qof oo lagu xidhay Faransiiska oo qorsheynayay weerarro siyaasadeed

Bilayska Faransiiska  ee la-dagaallanka argagixisada ayaa xidhay 10 taageerayaal  Xagjiriinta Midigta Fog ah  loogana shakiyay in ay qorsheynayeen in ay weeraraan siyaasiyiinta iyo goobaha cibaadada Muslimiinta  sida ay sheegeen ilo saxaafadeed.

Ilaha ayaa xaqiijiyey in 10-qof oo da’doodu u dhaxayso 17 jir iyo 25-jir lagu xidhay gobolka Saint-Denis ee waqooyiga Faransiiska iyo magaalada koonfurta ee Marseille.

Ilaha  ayaa intaa ku daray in xadhiggaasi uu ku yimid baadhitaan ay ku sameeyeen 21-sano jir ka soo jeeda kooxda  midigta Fog oo la xidhay dhamaadkii bishii Juun waxaana lagu soo oogay inuu ku hanjabey in ay weerarayaan dadka tahriibayaasha ah iyada oo loo marayo goobaha shabakadaha bulshada.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso