Haweenay Ilmo Yar Ciqaab ay u Adeegsatay U Dhintay Wadanka Maraykaka

Haweeney 150-kilo ah oo Maraykan ah ayaa waajaheysa eedeymo ah in ay dishay Ina-Adeerteed oo 9-jir ah ka dib markii ay  ku fadhiistay iyada oo Ciqaabaysa.

Veronica Great Bossi oo ah 64-jir ayaa la xidhay waxaana lagu eedeynayaa dil iyo ku-tumasho cunug sida ay sheegtay Pensacola News Journal.

Dhakhaatiirta iyo saraakiisha booliiska ayaa gaadhay guriga Qoyska oo ku yaal Pensacola ka dib markii heleen adeegga gurmadka degdega ah Sabtidii, Pussy waxay u sheegtay booliska inay ku fadhiisatay Derricka Lindsay iyadoo ciqaabaysa se ay Xakamaynta nafteedi ka luntay.

Inta ay ku jirtay Ciqaabta Derica waxay u sheegtay Busi iyo waalidkeed in aysan neefsan Karin markii ay kacdayna waxay ogaatay in Derica aysan si dhab ah u neefsanayn.

 Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Busi ay u yeedhay 911 waxayna bilawday in ay neefta ka soo saarto Ilmaha yar laakiin wax faa’iido may keenin.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso