Herbert McMaster la-taliyaha amniga qaranka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Ciidanka Kacaanka Iiraan in ay ka ganacsadaan Mukhaadaraadka Dalka Afghanistan.
“Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan waxay ka ganacsadaan heroin iyo opium wadanka Afgaanistaan si ay lacag uga helaan ugana ururiyaan, waxay sumeeyaan dunida waxay u isticmaalaan lacagtana si ay wax u dilaan,” ayuu McMaster ka yidhi hadal uu ka jeediyay Mu`asasada difaaca dimuqraadiyada.
“Ciidanka Kacaanka waxaa loo aqoonsanayay shabakad dambiilenimo,” ayuu yidhi, isaga oo ku eedeeyay inuu iibiyo dadka, hubka, shidaalka iyo alaabooyinka kale ee sharci darrada ah ee wadamada kale si uu helo helo lacag.
Warqabadka ToggaHerer