Magaalada Caynaba ee xarunta gobolka saraar waxa maanta lagu soo gabo-gabeeyay wadahadaladii u socday dawladda somaliland iyo khaatumo, wadahadalaadaasi oo socday labadii sanno ee u danbeeyay taasi oo ka dhalatay gogoshii nabadeed ee madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland u fidiyay dadka deegaanada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle.
Wadahadaladani oo si weyn labadii sano ee u danbeeyay uga socday dalalka imaaradka, jabuuti, itoobiya iyo Somaliland gudaheeda ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Caynaba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo si wada jira u saxeexay heshiiska ay gaadheen labada dhinac ayaa waxa hadalka qaatay Prof: galaydh oo si weyn u sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday caynaba, waxa uu sheegay Galaydh in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag bari isagoo ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.
Shirkaasi muhiimka ah ee ay Somaliland iyo Khaatumo ku kala saxeexdeen magaalada Caynaba galabta 20/20/2017, ayuu madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka jeediyey khudbadan: “Madaxda-dhaqanka, Madaxda Khaatumo, Madaxda Dawladda, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Marti-sharafta kale, ee madashan fadhida, dhammaantiin, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe “Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu”
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Milgo iyo Maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb-galo munaasibaddan taariikhiga ah, ee lagu soo af-jarayo, khilaafkii dheeraa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Khaatumo. Sharaf weyn bay ii tahay, Madaxweyne ahaan, in aan maanta ku guulaysanno, xal u helidda khilaafkaa, dhaawaca ku ahaa midnimada iyo wada-jirka Umada Somaliland. Dhinaca kale, waa Eebe Mahaddii, in aanu, aniga iyo saaxiibkay Prof. Cali Khaliif Galaydh, oo aanu wadaagno, sooyaal taariikheed oo dheer, aanu bogsiinnay boogihii iyo nabaradii labada dhinac, isla markaana aanu maanta isku mabda iyo mawqif siyaasadeed nahay.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Xal-u-helidda khilaafka ina soo dhex-galay, wuxuu ahaa mas’uuliyad umad ahaan ina saaran, si gaar ahna, wuxuu ahaa xil noo saaran labadayada Oday, ee jaalka ah. Tan iyo intii, Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland, dib loo yag-leelay, waxa jiray tabashooyin iyo saluug, ay tirsanayeen beelaha deegaanada Gobolka Sool, Xaysimo, Buuhoodle iyo Sanaag Bari. Nasiib darro, ma dhicin in si rasmi ah, marnaba khilaafaadkaa, loogu xalliyo hab-dhaqan ama mid siyaasadeed toona.
Hogaamiye ahaan, markii aan haaneeday hogaanka dalka, bilowgiiba, waxaan ku baaqay wada-hadal iyo gogol nabadeed. Xukuumaddaydu, waxay xoog saartay, dardar-gelinta siyaasad ku dhisan nabadayn, wada-hadallo iyo dib-u-heshiisiin. Mudadii labada sanno, ee u dambaysay, waxaanu agaasinay shir doceedyo gaar-gaar ah, oo aanu ku marti-qaadnay Madaxda Dhaqanka iyo Kuwa Siyaasadda, ee deegaanadaa Gobolka Sool. Shirarkaas goos-gooska ah, ee kala du-duwanaa, ugamaanu jeedin in aanu ku qaybino, ama ku kala qo-qobno wax-garadka bulshada ku dhaqan deegaanada kor ku xusan.
Hase-yeeshee, waxay ujeedadu ahayd, in ay u noqdaan gogol xaadh, shir-weyne balaadhan oo ay ku wada xaajoodaan Somaliland iyo Wax-garadka deegaanada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle. Waxa mudan, in aan si gaara u xuso Shirweynihii Magaalada Adhi-cadeeye, iyo Kii Awr-boogays, ku dhex-maray Xukuumadda Somaliland, iyo Beelaha Maxamuud Bari, Hijiinle iyo Cabdiraxmaan Harti. Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo, Garaadadii, Cuqaashii, Wax-garadkii iyo hal-doorkii, ka-qayb-qaatay qabsoomida shirkaa, iyo meel marinta go’aamadii ka soo baxay. Sidaa darteed, waxaanu dhawri doonaa, dhammaan heshiisyadii is-kaashiga, iyo wax-wada qabsiga ahaa, ee dhex-maray labadayada dhinac. Waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona dhawaan, inuu dhaqan-geliyo go’aamada Shirkii Awr-boogays.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan soo dhaweynayaa, midnimada iyo heshiiska maanta aanu kala saxeexanayno, maamulka iyo madaxda khaatumo, kaasoo Shacbiga Somaliland u hor-seedaya; Horumar, iskaashi iyo isku-duubni. Waxaannu fulin doonaa heshiiskan, ka kooban Saddex iyo Tobanka Qodob, isla markaana, waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona, dhaqan-gelinta go’aamada heshiiskani uu xambaarsan yahay.
Waxaan kula dardaarmayaa, kuna adkaynayaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, 13-ka bisha December, 2017-ka, in uu mudnaan siiyo, dib-u-dhiska iyo horumarka deegaanada Gobollada Sool, Buhoodle, Xaysimo iyo Sanaag Bari. Sidoo kale, waxaaan kula talinayaa in uu qaban-qaabiyo shir-weynihii guud ee baaqday. Midnimada iyo Wada-jirka Umada Somaliland, waa mid leh muhiimad weyn, oo aan marnaba, mad-madow la gelin Karin.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Laba ILAAH Baa u Daawo Qaaday, Labana Iyagaa Daawo Qaatay”. Haddaba, waxaan leeyahay, umadda Somaliland, ILAAHAY ayaa u daawo qaaday, oo waa kuwo wadaaga dal, dad, daaq, deegaan, debci, diin iyo dhaqan guun ah.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Si loo xaqiijiyo, isla markaana loo xoojiyo Midnimada Shacbi-weynaha Somaliland: Waxaan aamin-sanahay, in la qayb-sado, hawsha, halabadda iyo hantida Qarankan, Curdinka ah. Waxaan aamin-sanahay, in Beelaha iyo Bulshada Somaliland yihiin, kuwo siman oo leh xaq, xuquuq iyo xurmo isku mid ah. Waxaan aamin-sanahay, in cadaaladdu tahay, waxa keliya ee ay umadi ku walaaloobi karto, ama jiritaankeedu uu ku waari karo.
Walaalayaal,
Waxaan gar u arkaa, in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef la wadaago. Waxaan gar u arkaa, in wixii qal-damay la saxo. Waxaan gar u arkaa, in la dheeli tiro awood qaybsiga talada dalka. Waxaan gar u arkaa, in la idinka tiro, tabashada iyo turxaan kasta oo aad tirsanaysaan. Waxaan xal u arkaa, in loo baahan-yahay in dib u eegis lagu sameeyo, Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, uu yeelan doono, mustaqbalka. Walaalayaal, mar labaad ayaan ku celinayaa, oo waxaan leeyahay, ma nihin, dad kala tagi kara, mana nihin dad kala tashan kara, ee waxaynu nahay dad isku dan, iyo isku dal ah. Waxaynu nahay, dad ka dhigan Sakaaradii la yidhi “Laba Tun, oo la kala qalo ma leh”.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan kula dardaarmayaa, Bulshada Somaliland in ay wada-tashadaan, oo isku-tashadaan, isla markaana ay adkeeyaan nabada, midnimada, kalsoonida iyo is-aaminka dhexdooda. Ugu dambayn, waxaan hambalyeynayaa, Xubnaha Guddidii Wada-hadalka, laba geesoodka ahayd, ee ka kala socotay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo bud-dhig u ah guushan. Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa, Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo muujiyey geesinimo iyo go’aan adayg, si uu u mideeyo dadka iyo dalka Somaliland”.
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu dhammaanteen inoo dembi dhaafo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu tacabka, talada iyo tawfiiqda inoo Hagaajiyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu Boggeena iyo Beerkeena, Burcad isu-mariyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu tubta toosan, inagu hanuuniyo,
ALLAHAYOW, Aamiin, Aamiin, Aamiin
Gunaanadkii shirkana Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu yidhi“ Waxa weeyi nuxurku :-
In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.
in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.
in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.
In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.
In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.