Duqa magaalo qurux badan oo ku taal gobolka Pulia koonfurta Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in maamulku ay rabaan inay bixiyaan lacag muhiim u ah dadka si ay ugu soo guuraan uguna noolaadaan Magaalada.
Duqa magaalada Candela ayaa sheegay in uu soo jeediyay “xal wax ku ool ah” si wax looga qabto dhibaatada dadweynaha magaalada oo hoos u dhac ku yimid. “Dadku waxay hoos uga dhacday 8,000 ilaa 2,700,” ayuu yidhi.
Magaaladu waxay siinaysaa 800 oo euro Ruuxa Doobka ah, 1,200 euros oo loogu talogalay lamaanayaasha iyo 1,500 ilaa 1800 euro oo loogu talagalay qoysaska saddexda iyo in ka badan 2000 euro oo qoysaska 4 ilaa 5 qof ah.
“Waxaan maalin walba ka shaqeynayaa dadaal iyo u heellanaanta soo celinta Candela ee Taariikhdeedii,” ayuu yidhi Duqa magaalada Nicola Gata. “Dalxiisayaashu waxay magaalada ugu yeedhaan magaca Naples-ta yar.”
“Roobka kaymaha iyo buuraha cagaaran ayaa ku wareegsan magaalada,” ayuu yidhi.
Marka la eego shuruudaha isticmaalka dalabkan, “degaanka ama kirada qof ama qoys ee ku yaala Candela iyo mushaharkooda sanadlaha ah waa in aan ka yareyn 7,500 euro.”
Warqabadka TogaHerer