Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka Iran in ay ka baxaan Ciraaq


Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Rex Tillerson ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka Iran inay ka baxaan Ciraaq.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir saxaafadeed uu ku qabtay Tilerson caasimadda Sacuudi Carabiya.

“Xaqiiqdii dagaalka lagaga soo horjeedo ururka Islamic State ayaa soo afjarmaya sidaas darteed maleeshiyaadka Iran ee Ciraaq waa in ay ku noqdaan dalkooda dhammaan dagaalyahanada shisheeye waa inay tagaan wadamadooda,” ayuu yidhi Tillerson.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso