Xisbiga Waddani, is beddal ma keeni karaa? Q. 1aad

Allahayow eexna ha igaga tegin, aqoon la’aanna ha igu cadaabin. Maadaama oo ay ummad ahaan afkaarteennu u dabran tahay qabiil oo ay ku sargo’an tahay soohdimo qabyaaladeed, waxa iska caadi noqotay in aynu la fikir noqonno hadba wixii uu siyaasi dan leh iyo Suldaan hammuun qaba oo ab-tirsiimo inala wadaagaa ay inoo go’aamiyaan, taas ayaa keentay in aynu danayno qabiilka qofka, in ka badan inta aynu danaynayno saxnimada iyo qummanaanta aragtida uu soo bandhigayo. Isla sababtaas awgeed, ayaan maahmaahda sare ballaysin ugaga dhigay qoraalkaygan, si aan u didiyo caqliga ku mashquulsan raadinta qabiillo aan meeshan lagu hayn. Qarannimada Soomaalilaan ayaa wax walba ka weyn, waxa ina kulmiya ama ina kala kexeeyaana waa danta dalka iyo dadka.

In la dhaliilo mid ka mid ah xisbiyada qaranka macnaheegu ma’aha in la qurxinayo xisbi kale. Xisbina kuma quruxaysanayo fool-xumaynta xisbiga kale! Maadaama oo ay xisbiyada qaranku yihiin kuwa laga soo dhex dooranayo cidda hoggaaminaysa dalkan iyo dadkan, xalku waxa uu noqonayaa in aynu helno xisbiyo wanaagsan, dhaliishuna waa mid ka mid ah nidaamyada loo marayo helitaanka xisbiyadaas qaran ee wanaagsan, sababta ugu weyn ee aan qoraalkan uga gol leeyahayna waa taas.

Kadib goonni-isku-taaggii Jamhuuriyadda Soomaalilaan, dalku waxa uu dib u galay marxalado kala duwan oo ay mid weliba waayaheega iyo wacyigeega gaarka ah lahayd, qaarkoodna ay kaba adkaayeen dagaalkii la soo maray laftiisa, balse marxaladahaasi dhammaantood waxa ay wadaagayeen in ay ahaayeen uun maraaxil lagaga soo kabanayay burburkii dhinac walba ahaa ee ay reebeen dagaalladii adkaa ee la soo maray, dhammaan marxaladahaas ka soo kabashadoodana door wax-ku-ool ah ayuu shacabku ka qaatay. Marxaladahaas waxa ka mid ahaa uguna mudnaa dib u yagleeliddii nimaadkii iyo kala dambayntii dowladnimo iyo dib u dhiskii magaalooyinkii burburay. Waxa xusid mudan in mar walba uu xidhiidh toos ahi ka dhexeeyey deganaanta siyaasiyadeed iyo dib u dhiska magaalooyinka. Dhammaan marxaladahaasi waxa ay ujeeddadoodu ahayd in dib loo abuuro deegaan ay ku diyaarsan yihiin baahiyaha aasaasiga ah ee suurogal ka dhigaya in ay dad iyo duunyaba ku noolaan karaan sida helitaanka biyaha, cuntada, waxbarashada, caafimaadka, hoyga iwm.

Intii ay Soomaalilaan jirtay, waxa iska beddalay afar madaxweyne oo mid weliba talinayey marxalad waayaheega gaarka ah lahayd, midina aanu la daruuf ahayn midka kale, sidaas awgeed ayaan la isku barbar dhigi karayn afartaas madaxweyne, una qumman tahay in madaxweyne walba gaarkiisa loo qiimeeyo samaan iyo xumaan wixii uu taariikhda gashaday. Inkasta oo madaxweynayaasha dhammantood lagu dhaliilo in aanu midina sidii laga filayey u gudan waajibkiisii, haddana si walba ha ahaatee, Xukuumadda maanta talinaysa oo ah xukuumadda Kulmiye, waxa ay ku soo hagaagtay mid ka mid ah marxaladihii ugu adkaa ee uu dalku soo maray, taas oo xilka qabatay iyada oo uu dalku horumar fiican ka gaadhay dhinaca dhismaha magaalooyinka iyo nabaddaba, balse ay jiraan dhibaatooyin badan oo shacabka haysta, dhibaatooyinkaas oo dhammaantood wakhtiga la korayey. Nasiib-darro, xukuumadda Siilaanyo marnaba ma ay fahmin waaqica dalka yaalla, in aanay xukuumaddu fahmin waaqica dalka waxa aan daliil uga dhigayaa in iyada oo caasimaddii dalka qaybaheega ugu badani ay biyo la’ yihiin, in ay haddana xukuumaddu ku mashquushay waddooyin la dhiso! Biyahuhu waa baahida koowaad ee nolosha, illaa iyo laga haqab-tiro dadkana tallaabo kale lama qaadi karo, sidaas awgeed xukuumadda Siilaanyo ma ay garanayn sida ay arrimuhu u kala mudan yihiin. Waxa mar walba sii kordhayey baahida bulshadu ay u qabto adeegyada  xukuumadda sida shaqo-abuurka, dhinaca xukuumaddana waxa mar walba hoos u sii dhacayey adeegyadii aasaasiga ahaa ee looga baahnaa in ay fidiso. Taasi waxa ay keentay in ay maalin walba sii kala durkaan baahiyaha bulshada iyo waxqabadka xukuumaddu, halkaasna uu ka soo baxay farqi weyn oo ugu dambayntii sababay jaah-wareerka bulsheed ee illaa iyo maanta taagan. Intaas waxa dheer maamul-xumada xadhka goosatay sida qabyaaladda, musuqmaasuqa, boobka hantida qaranka oo gaadhay in la arko shakhsiyaad aan subax kaliya kallihin oo haddana bilo kooban milyaneero ku noqday iyo maamul xumooyin tiro beelay oo qorraxdii soo baxdaba aynu goob-joog ka nahay. Marxaladdii awalba adkayd, waxa gaasta ku sii daray nolosha adkaatay, maciishadda cirka isku shareertay, sicir-bararka xadhkaha goostay, dadka abaaraha ku caydhoobay, dhallinyarada tobanka kun kor u dhaafaysay ee sannad walba jaamacadaha ka soo qalin-jabinaysay, kuwaas oo sii cakirayey suuqii shaqo-la’aanta iyo arrimo kale oo ay maanta Soomaalilaan la ciirciirayso. Qalinku iima koobayo inaan wada tilmaamo marxaladda adag ee uu dalku maanta ku sugan yahay, balse mar haddaynu isla fahamnay marxaladdaas adag, waxa aynu dareemaynaa in maanta baahida ugu weyn ee ay Soomaalilaan qabtaa tahay helitaanka hogaamiye wanaagsan oo dhibkaas kala dabbaasha. Haddaba su’aalaha iskood u imanaya ayaa ah: Sadexda xisbi ee tartamaya kee ayaa dalka ka saari kara marxaladdaas? Waa kuma musharraxa maanta awood u leh inuu noqdo hogaamiyahaas wanaagsan ee uu dalku u baahan yahay? Ugu horrayn, bal aynu xisbiga Waddani eegno.

Insha allaah waa inoo qaybaha kale……

Advertisement

Ku Xayeysiiso