Bulsho mustaqbalkoodii qabyaalad iyo shilimaad ku lunaaday

Bulusho mustaqbalkoodii qabyaalad iyo shilimaad ku lunsaday

yar iyo wayn way wada qiiraysanyihiin , xamaasadaysanyihiin ,   gawaadhidii oo nooc kasto leh ayay ka wada   buuxaan  , ayagoo dhawaq kala duduwan ku dhawaaqaya , sida kulmiye ha noolado , waa geesigii aan godob lahayn iyo dhawaqyo kale,,,, ,,,

 

Suaashu waxaa weeye shacabku muxuu intan laxamaasadaysan yahay ? , ma mujtamac doonitaan rabaa ? ah inay musharax ay ku nastaan doortaan ? May se  waxay  intooda badani la ordayaan waa si ay u soo helaan shilimaad , 

ciroolayaashiina maalinba meel taagan yihiin ayagoo leh hadaanu reer hebelnahay waxaanu ku biirnay  xisbi hebel ,  heerkaana 

Waxaa gaadhsiiyay faqriga mujtamacan badan kooda haysta , ayay maalmahaa

 ololaha is yidhaahdaan soo faro qabsada oo maalinba xisbi raaca kudoono ha ahaadee .

 

Nasiib daradu waxaa weeye  xukuumadii heerka faqrigaa  gaadhsiisay ee ayagoo shacabkoodu saddexda waqti ladaladhacayaan , baabuurta ugu qaalisan ee v8  lagu sheego kuwada xaragoonayaa  , ee boqolka kun ee doolar ku dhaw , lacagtaasoo ahayd , lacagtii cashuurta looga qaaday hooyada dada ah ee bacadka tamaandha ku iibinaysaa , dhididkana hoorsanaysa  .

Ayadoo xaalku sidaa yahay hadana maalin iyo habeen oo dhan durbaanada u tumayaan oo buuqooga iyo hoonka laga seexan waayay ,  mustaqbalkoodii shilimaad maalmaa siisanaya , markaa dadkani badankoodu  dhakhaatiir maskaxeed oo dibadaa ayay u baahan yihiin .

anigu inta rayigaygaa ah waxaan odhanlahaa , inan iyo inan kastoo aqoon leh ku wacyi geli adigoo hoyadaa , aabahaa  , iyo walaladaa  kaga bilabaya oo ku dheh hooyo waa la dhaafay qarnigii qabyaalada , ee saddexda  musharax aynu ku kala doorano oo kaliya midba wuxuu kaga dhawaajiyay habeenkii siihoraysay ee fool ka foolka la isku wajahay.

Mohamed abdirahmaan maxamuud

Alaa mahadleh 

Advertisement

Ku Xayeysiiso