Sacuudi Carabiya Oo diidday In safar Qarsoodi ah Ku Tagey Mid Ka Mid ah Masuuliyiinteedu Israel!!!


War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasaarada arrimaha dibedda ee Saudi Arabia ayaa beeniyey war lagu daabacay warbaahinta oo sheegayay in Madax Sare oo ka Tirsan Dalka Sacuudigu ay booqasho Qarsoodi ah ku tageen Israel.

Warka Laga Qoray Booqasahda Qarsoodiga ah Masuuliyiintani ku Tagaeen Israel ayaa War saxaafadeedka lagu sheegay warkan oo dhani inuu yahay been Cad oo aanay waxba ka jirin.

Wuxuu intaa ku daray in Boqortooyadu had iyo goor waxeedu cad yahay dhaqdhaqaaqyadeedii iyo xidhiidhkeedu mana jirto wax aanu u qarina arrintan.

Jimcihii ayaa mas’uul ka tirsan Israel shaaca ka qaaday safar qarsoodi ah oo uu ku tagay Tel Aviv Dhaxal Sugaha Sucuudiga Mohammed bin Salman bishii September 2017.

Sarkaal oo diiday in la sheego Magaciisa ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in “Masuul Sacuudi ahi ku soo booqday Israel si qarsoodi ah bishii September waana Mohammed bin Salman.”

Wariyaha Israeli ah Ariel Kahana oo u shaqeeya toddobaadlaha luuqadda Cibriga ee Makor Rishon ayaa sheegay bishii September in Ben Salman uu booqday Israel isaga iyo wafdi rasmi ah oo watay lana kulmeen mas’uuliyiin.

Raadiyaha rasmiga ah ee afka Carabiga ee Idaacada Israel ayaa sheegtay Todobadii isla bishaas in Amiirka boqortooyada Sacudiga inuu Si qarsoodi ah u soo booqday Israel oo ayna kala hadleen mas’uuliyiinta sare ee Israa’iil fikradda ah inay riixdo nabadda gobolka.

“Waxaa jira tiro badan oo wadamada Carabta ah oo xidhiidh la leh Tel Aviv hal dhinac ama mid kale,” Wasiirka Isgaadhsiinta Xubina ka ah Knesset kana tirsan Xisbiga Likud ayaa u sheegay AFP.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso