Labadii qof ee lagu eedeeyay in ay dileen hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya Walaalkii ayaa la Geeyey goobta dambiga ay ka geysteen

 

Laba haween ah oo ku lug lahaa dilkii Hogaamiyaha Waqooyiga Korea Kim Jong-nam Walaalkii ayaa la geeyey goobtii dambigu ka dhacay ee garoonka Kuala Lumpur ee Malaysia.

Waxaana ka soo muuqday eedeysanayaasha garoonka diyaaradaha kuwaas oo ka soo kala jeeda Indonesia iyo Vietnam.

Waxaa lagu soo oogay inay wejiga dhibbanaha ku saydheen Sun intii uu sugayay  dayuuradiisii garoonka.

Labada eedeysane ayaa diidey dilku inuu ahaa mid ula kac ah iyaga oo sheegay in wakiilada Waqooyiga Kuuriya ay khiyaameeyeen in wixii dhacayna ugu sheegeen in uu yahay Matalaad Bandhiga Talafeeshin.

Waqooyiga Kuuriya ayaa beenisay eedeymaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso