Gudaha ka Akhri Haraad Halis ku Haya Israel !!!!!

Afhayeenka Hay’adda Biyaha ee Israel Uri Shore ayaa ka digay saameynta xaaladda abaar muddo 4 sano ah gaar ahaan qaybta sare  ee kaydka dhulka hoostiisa.

“Qofna malaha lama kulmin sanado badan oo isku xigta sidan oo kale, maxaa yeelay taasi marnaba ma dhicin,” ayuu yidhi Shore.

 

Hase yeeshee madaxa Ururka Beeralayda ee Israel ayaa sheegay in 3700 oo hektar oo dhul ah uu noqday Baaba sababtoo ah dhibaatada biyo yaraanta, taas oo saameyn doonta xajmiga dalagyada mustaqbalka.

 

Waxa uu tilmaamay in qaybta bari ee Galbeedka Sare oo ku jirta khadka cagaaran ahna  hodan ay ku yaalaan beeruhu inta u dhaxaysa xeebta iyo Golan Heights  la haysto ee Suuriya, “waxaa laga yaabaa in ay waayaan 500 milyan oo shekels  Mawsimkan  Waxaanu isweydiiday Amitai.”Ma heli doonaa biyo haa iyo maya”?

 

Warqabadka TogaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso