Nin Turki ah oo Is-dilay Isaga oo Khadka Toos ugu jira Ka dib Markii Inantiisa La Wayiistay Cid aan Isaga ahayn+ Fariina u Diray Qoyskiisii iyo Inanatiisiiba

Nin ku jira Da`da kontanaadka una dhashay Turkiga ayaa isdilay isaga si toos ah ugu Jira Facebook-ka ka dib markii ay dhamaatay Inantiisa oo la Doonay Bixinteedi isagana aan la Waydiisan.

Ayhan Ouzon ayaa yidhi isaga oo Si Toos ah Khadka Ugu Jira Haysatana Baaskoolad “inta lagu guda jiro maalinta ugu farxada badan ee nolosha Inantayda ayay ila soo Xidhiidheen iiguna yeedheen inaan soo booqdo, cidi waxba ima waydiin ayuu yidhi intii lagu guda jiray cidna ima waydiisan La iilama dhaqmina sida nin, Ninka Qaba Xaaskaygi Hore ayaa qaatay doorkii aabanimo wuxuuna ogolaaday inuu guursyo Inantaydana maaha mid sax ah. ”

“Qofna ma odhan in aabaha Inantani uu Nool yahay, inkastoo aan sugayay inantayda iyo qoyskeygu inay igu martiqaadaan inaan la joogo iyaga.”

“Qaar ka mid ah ayaa doonaya inaan dib u eego laakiin ma doonayo inaan cidna u soo bandhigo waxa aan gaadhay sida ugu dhakhsaha badan ayaan naftayda ugu dhameyn doonaa bistooladeyda aan gacanta ku hayo” ayuu yidhi sida ay sheegtay Daily Mail.

54-jirkan ayaa ka codsaday in aysan ka soo qayb galin Inantiisu ama xubno ka tirsan qoyskiisu ee u geystay waxyeellodan aaskiisa ama Jinaasadiisa.

Intii uu wadahadalku socday xubno qooyska Ozon ayaa isku dayay in aanu is-dilin intii uu ku jiray live-ka laakiin wuu iska indhatiray oo uu is-diley.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso