Gabaygan magaciisa waxa la yidhaahdaa ‘DAREEN SHACAB’, wuxuuna soo baxay 9/2/2017, waxaanu ku saabsan yahay doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee 8/2/2017 ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Haddaba, gabaygan oo uu tiriyay abwaan Cabdiraxmaan Maxamuud Yuusuf Cabdiraxmaan Xiiray, wuxuu ku bilaabmay sidan;
- Mowliidoow dereenkii jiraa kiciya duufaane
- Markaasey darroortaa murtidu sida daruuraa’e
- Anna gabaygan deelka ah waxaan diiradda usaaray
- Een maanta dabaqa uga rogay maaxda igu duugan
- Ee igu dirqiyay maansadaan kuu dulmarayaaye
- Duub oo u wari aadamaha dunida guud jooga
- Inkastoo markuu qarankii dumay noloshu diiq gaadhay
- Inkastuu dagaalkii ehligu dad iyo maal qaaday
- Inkastuu umulo doox dhacoon docina noo cayman
- Iskastoo la daaduumayoo debedda loo yaacay
- Inkastoo qaxoontiga dayacan dayro laga muujay
- Uu baladka daashaday hoggaan dabanyay uurkiisu
- Ooy gaalo noo doorayeen ka u danaynaaya
- Dadkeyguna halyeygay wataan laga dulguuraayay
- Oo talada loo dabo fadhiyay dowladdaha jaarka
- Fasalkii shaluu doorsamoo daayinkeen rogaye
- Damicii shisheeyuhu watiyo dabinkii beenowye
- Dayaxbaa usoo baxay dadkiyo dagalkii soomaale
- Samaduu kasoo dagay nasrigu sida dabeyllaa’e
- Qofkastoo damiir lihina taa wuu ku diirsadaye
- Daran doorri sow ina xamdiga loo dikriyo maaha?
- afartaa dubbeeyaye haddaan daafkale u leexdo
- oon xaajo ii dihin furfuro idinna deeqsiiyo
- Baarlamaanki lagu duufsan jiray duunyadiyo maalka
- Ee dabo martayn jiray walihii diinta lagu dhaarshey
- Ee daadahayn jiray ninkii galinba jeeb diirran
- Ee gudimo daabkeed uhaa faranji soo duulay
- Ee doolar lagu iibsan jiray doorkan laga guurye
- Goleyaal dalaal muujiyoo daacadaa yimide
- Way deedifeeyeen waxaan dani ku dheehnayne
- Dereenkii shacbiga way mareen inay u doodaane
- Qofba wuxu dadkiisa u qabtaa waa daliil qorane
- Dun xariira iyo bay noqdeen dahab masaalkiiye
- Hambalyiyo ducay mudanyihiin inad u diiqdaane
- idimka alle derajey ku heli labada daaroode
- afartaa dubbeeyaye haddaan daafkale u leexdo
- oon xaajo ii dihin furfuro idinna deeqsiiyo
- Nimankii kursiga doonayiyo doorashada foodka
- Ee inay dalka hogaamiyaan rabay dubaaqoodu
- Markii shalay darkii lagu kulmee calaf ninkii deeqay
- Duubkii farmaajaa xidhoo loo dabaal dagaye
- Shacbiguna inuu daacad yahay dood kamay celine
- Daafaha adduunkoo dhanbay uga duceeyeene
- Allahayoow ka yeel mid u damqada danaha qoomkiisa
- oo dawladduu soo dhisaa daajisaa ehelka
- Uu ducafadaa ururiyaa diilalyadu hayso
- Uu diin ku maamulo arlada darajo weeyaane
- Oo aanu gaalada dallagan marin dariiqooda
- Oo labada daarood noqdaa diric la maamuuso
- allahayow dalkana roob anfaca nooga doox samada
- oo abaarta laga doogsadoo daadku mulacyeeyo
- oo midhaha laga daabuloo debedda loo dhoofsho
- ooy duunyadii wada dhashoo caano laga duugo
- Oo nabaddu daaf iyo ka daaf degelka qaangaadho
- oo ducada noosoo ajiib deeqsibaad tahaye
- oo daayimow haygu qadin dalabkan kaa tuugay