Gudaha ka Akhri Meheradaha Iibiya shawarma Oo Laga Mamnuucay Xarumaha Tareemada Magaalada Petersburg

6Mas’uuliyiinta Masuuliyiinta magaalada Petersburg ee Ruushka ayaa go’aansaday in ay xidhaan Meheradaha Iibiya Shawaarmaha ee u dhow xarumaha laga Raaco Tareemada sida ugu dhakhsaha badan.

“Si aan u ilaalino wajiga caamka ah ee magaalada waxaan go’aansanay inaan xidhno dhammaan dukaamada iyo dukaamada iibiya Cuntooyinka Deg deg ah iyo shawarma ee ku yaalla meelaha u jira ilaa 100 mitir saldhigyada tareenda,” ayuu yidhi gudoomiyaha magaalada Giorgi Balavchenko. “Waxaan u ogolaaneynaa saddex nooc oo kaliya in lagu iibiyo goobaha ku yaalla saldhigyadaas Wargeysyada, ubaxa, tigidhada filimaanta iyo tiyaatarda,Magaalada ayaa marwalba ahayd magaalada dhaqanka iyo suugaanta waa in aan ilaalino dabeecaddan gaarka ah. ”

Go’aanadani waxay ahaayeen kuwo sii wadaya tallaabooyin taxane ah oo ay qaadeen masuuliyiinta magaalada September tii tagtay kuwaas oo ay ka soo saareen meherado iyo goobo kala duwan kuwaas oo aan haysan ruqsado joogtada ah waxna ku iibin jiray si nidaam daro ah waddooyinka Petersburg, halkaas oo tiro ka badan ilaa 400 dukaan laga kaxeeyey.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso