Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Oo Magaalada Burco Ku Soo Bandhigay Wacdaro

Burco (ToggaHerer)-Kumanaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ah ayaa dhoolatusyo ballaadhan ka sameeyay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland maalintii labaad ee xisbigoodu u lahaa ololaha doorashada madaxtooyada.

Taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa wacdaro aan hore loo arag oo muujinaya taageerada baaxada leh ee uu xisbigu ku leeyahay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer isugu soo baxay.

Mawjado taageerayaal ah oo ay hor-kacayaan mas’uuliyiinta sare sare ee xisbigga is bedel doon ka ah ee WADDANI ayaa socod lug ah ku soo maray waddooyinka waaweyn ee magaalada Burco oo ay dhoolatusyo ka dhigayeen.

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, kaaliyaha warbaahinta ee murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Muniir Axmed Cigaal, xoghayaha xidhiidhka carabta iyo dawladaha islaamka ee xisbiga WADDANI Ambasaddor Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) masuuliyiin sarsare oo xisbiga ah, Salaadiin, siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa taageerayaasha xisbigooda kala qayb-galay isu soo baxyadaasi.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dadweynaha reer Burco uga mahadceliyay taageerada Dhoolatuska ah ee ay u muujiyeen xisbiga is bedel doonka ah ee WADDANI, waxaanu ka hadlay hadalo deel-qaaf ah oo ka soo yeedhay Murrashaxa madaxwenaha ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay in hadaladna ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ay caddayn u yihiin guul-darrada xisbigooda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso