Burco: Xisbiga Waddani Oo Munaasibad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyey Aqoonyahan, Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Togdheer Oo Ku Soo Biiray Xisbiga Waddani


Burco, (ToggaHerer) – Xisbiga Waddani ayaa munaasibad soo dhaweyn ah ugu sameeyey magaalada Burco, Aqoonyahan, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo gobolka Togdheer oo ku soo biiray xisbiga Waddani.

Munaasibadan soo dhaweynta ah oo ay hadalo ka soo jeediyeen xubnihii ku soo biiray xisbiga Waddani iyo Masuuliyiinta soo dhaweynaysay ee xisbiga Waddani oo uu horkacayey hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaas oo dhamaantoodba ka markhaati kacay in xisbiga Waddani uu yahay xisbi la wadaleeyahay.


Dr Axmed Cabdilaahi Cige (Axmed Shugri) oo ku hadlayey afka aqoonyahanka, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ku soo biiray oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa yidhi “Bahasha cadhada la yidhaahdaa waa cadow, waan yara cadhooday oo xisbi kale ayaan isku tuuray, cadhadii markii aan ka soo noqdayna mudo afar iyo labaatan saacadood ah anigu Waddani baan ku soo noqday” ayuu yidhi Siyaasi Axmed Cabdilaahi Cige (Axmed Shugri), waxaanu intaasi ku daray “Ujeedada aanu uga soo baxnay Kulmiye waxa weeyi, xisbiga Waddani markii aanu u aragnay inuu yahay xisbi waxqabad hormoodna u heelan sidii ummadda Somaliland ama bulshada Somaliland uu u gaadhsiin lahaa horumar.”

Hogaamiyaha xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku soo dhaweeyey masuuliyiintaasi xisbiga Waddani waxaanu yidhi “Caawa waxa aynu soo dhaweynaynaa aqoonyahanka Burco, milgihii hadalkana waa laga hadlay, waxa kaliya ee halkan iiga furana waxa weeyi soo dhawaada inaan idin yidhaahdo, dadkuna waxay u baahan yihiin Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haweenba inay iskaashadaan, isu-kaashadaana sidii loo samayn lahaa isbadal, isbadal khayr qabana illaahay ha inooga dhigo, aad iyo aad ayaad dhamaantiin u mahadsan tihiin.” Ayuu yidhi Hoggaamiyaha xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo ka mid ah Saraakiisha xisbiga Waddani ee aqoonyahankaasi iyo siyaasiyiintaasi ku soo dhaweeyey xisbiga Waddani, waxaanu Bashiir Cabdi Xariir uu yidhi “Waxa aynu halkan isugu nimid inaynu soo dhaweyno, Aqoonyahankii, Siyaasiyiintii, Indheergaradkii iyo xildhibaanadii gobolka Togdheer oo caawa ku soo biiraya xisbiga isbadal doonka ah ee u taagan horumarka dalka ee Waddani, waxaan leeyahay soo dhawaada oo kuwa idinka dambeeyaa ha soo dhawaadeen.” Ayuu yidhi Bashiir Cabdi Xariir.

Sidoo kale Xildhibaan Waabeeye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Farxad ayay noo tahay in aanu soo dhaweyno rag aqoonyahan ah oo ah hormoodkii gobolka Togdheer, taasi waxa ay muujinaysaa in cududii la isugu geeyey xisbiga Waddani. Waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa dhamaan aqoonyahankaa iyo xildhibaanadaas” ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.

Geesta kale waxa isaguna munaasibadaasi lagu soo dhaweynayey aqoonyahankaa iyo xildhibaanadaa ku soo biiray xisbiga Waddani ka hadlay Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa Xisbiga Waddani, Siyaasi Muniir Axmed Cigaal waxaanu yidhi “Waxaan soo dhaweynayaa aqoonyahanka hablaha iyo inamadaba leh ee reer Togdheer ee reer Burco oo caawa la midoobay xisbiga Waddani oo xafladooda aynu u fadhino waxaan leeyahay soo dhawaada ku soo dhawaada xisbigii Wadajirka, xisbiga Waddani lama kala laha ee waa lagu soo kala horeeyey. Maanta hadaad timaadeen lama kala laha masuuliyiintiisa ayaad tihiin hawsha taala ayaad dacal ka qabanaysaan.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal

Advertisement

Ku Xayeysiiso