Spain oo Xidhxidhay afar mas’uul oo hore Venezuela u dhashay!!!

Xukuumada Spain ayaa qabtay wasiir ku-xigeen hore dalka Venezuela iyo saddex madax ka ahaa shirkadaha dawlada Venezuela oo lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin lacagta la dhaqo iyo musuqmaasuqa caalami ah.

Masuul amaan oo Spain ah ayaa Qoraal uu soo saaray ku sheegay “Maxkamadda Degmada South Texas ayaa soo saartay qabshada caalamiga ah si loo soo xidho eedaysanayaashan sababta oo ah ku lug lahaanshaha falal dembiyeed la xidhiidha lacagta la dhaqay iyo musuqmaasuq caalami ah,” howlgal ammaan oo la fuliyay lana kaashanayay Wasaarada Amniga Gudaha Maraykanka.

War saxaafadeedka ayaan si gaar ah u magac dhabin ragan la qabqabtay laakiin mid ayaa la sheegay Mansabkuu hayay waxaana qoraalka lagu sheegay in qofkan uu ahaa Wasiir ku xigeenkii hore ee tamarta.

Shirkadda Saliidda Venezuela (Petroleos de Venezuela) ayaa ku lug yeelatay dhowr goor fadeexado musuqmaasuq sannadihii la soo dhaafay.

Warqabadka Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso