Wafti Uu Hogaaminayay Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeenka Ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici Ayaa Kormeer Ololaha kusoo Maray Degmada Bali Mataan

Hargeysa(ToggaHerer)Waftigan oo uu hogaaminayay murashaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbiga kulmiye Md.Cabdiraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil Saylici Xubno ka mida golaha wasiirada qaar ka mida hogaanka sare ee xisbiga kulmiye iyo taagerayaal kale oo aad u tiro badan .

Siyaasi Abokor oo Ka Tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye

safarka waftiga ee Degmada Bali Mataan iyo deegaanada Hoos Yimaada Degmada ayaa ujeedkoodu ahaa ololaha xisbiga kulmiye ugu jiro tartanka doorashada madaxtooyada ee dhawan dalka dhacaysa .

Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Deegmada Maxamed Cismaan

bulshada ku dhaqan degmada iyo tuulooyinka waftigu soo maray ayaa waxay cod dheer oo aan gabasho lahayn ku sheegeen inay cod iyo cuduba la garab taganyihiin xisbiga Midnimada Iyo Horumarka Ee KUMIYE .

 

Siyaasi Maxamed Mahdi Buubaa Masuuliyiinta Kulmiye

Madaxwayne ku xigenka soomaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”ayaa uga mahad naqay taagerayasha xisbiga ee ku dhaqan Degmada Bali Mataan kana codsaday inay cududa iyo taagerada baaxad leh ee ay muujiyen Xisbiga KULMIYE iyo murashaxiintiisa ay maalinta doorashada ee 13 novenber ugu hiiliyaan xisbiga KULMIYE.

Wasiiru Dawlaha Biyaha Md Dhagaweyne

Gudoomiyaha Golaha Dhexe Md Jaamac ShabeelAgaasimaha Ciyaaraha Maxamed Dhabeeye

Duqa Degmada Bali-Mataan

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso