Daawo Shirkada Apple Oo Eriday injineer sababtoo ah gabadhiisa oo Sii Daysay “iPhone X”

Shirkada Apple ayaa shaqada ka caydhisay mid kamid ah injineeradeeda ka dib markii gabadh uu dhalay sii daysay Fiidyaw iPhoneX ka hor inta aan la sii deynin, sida ay warisay warbaahinta Mareykanka.

Brookie Peterson ayaa ku faafisay sabtidii Barta YouTube ka Fiidyaw muujinaya faahfaahinta telefoonka la filayo saacado yar markii uu soo baxay fiidyawgu waxa daawaday nus milyan ruux.

Gabadh Maraykan ah ayaa sheegtay in aabaheed laga eryay shaqada kadib markii ay sii daysay fiidiyowga, waxaanay ku tidhi Fiidyaw kale iyada oo ooyaysa in aabbaheed oo ku shaqeeya injineernimo uu jabiyay xeerarka asaasiga ah kadib markii loo ogolaaday inay sawirto Mobile ka shan maalmood ka hor inta aan la gelin suuqa.

Sida laga soo xigtay fiidiyowga waxa ka muuqata dhismaha Apple ee San Francisco halkaas oo ay ku sharaxday telefoonka cusub 5 daqiiqo.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in Apple uu weydiistay gabadha aabbaheed in ay ka tirtirto fiidiyoowga YouTube-ka, kaas oo aan dhicin ilaa subaxnimadii Axadda, Halka baro kale la isla wareegay ka dib markii laga qaatay barta Inantan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso