Xoogaga Daliban oo weerero isdaba jooga ku qaadey ciidamada Afghanistan kuna diley in kabadan 43 usbuuc gudihii.

Xoogaga Daaliban oo weerer dimasho afar askari kuwa kalana ku dhaawacmeen ku eekeeyey saldhig bileys oo ku yaala xuduudka Kunduz ee ee waqooyiga Afghanistan.
dhinaca kalena madaxa gobolka Khanabad gobolka Kunduz Hayatullah Ameri ayaa sheegay in dagaalyahaniinta Taliban ay weerareen goob baadhitaan oo ay ku dileen 13 Askari.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in mid ka mid ah bileyskii uu naftiisa badbaaday kadib markii uu ka baxsadey goobta.

Zabihullah Mujahid, oo ah Afhayeenka Taliban, Ayaa Sheegtay mas’uuliyadda weeraradan isdaba joogaa.

Talaabadan ayaa imaneysa kadib markii xoogaga Daalibaan ay weerer ku qaadeen sabtidii shaleyto saldhig bileyes oo ku yaala gobolka Ghazni ee bariga Afqanistaan halkaas oo ay ku dhinteen sagaal bileysa sidoo kale qaateen dhamaan waxii agaba ciidan ee yaaley

Waxaa xusid mudan in Daalibaan 10 maalmood ka hor ay weerar ku qaaday xarun ammaan oo ku taal gobolka Kandahar iyadoo ay ku dhinteen 43 askari.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso