Madaxwaynaha Filibiin: Hal Dal ayaa dejin kara Kim

Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterti ayaa sheegay inuu jecel yahay inuu la hadlo hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un si uu uga dhaadhiciyo inuusan dooneynin inuu xukunka ka qaado ama burburiyo dalkiisa, isaga oo sheegay in China ay tahay waddanka kaliya ee awood u leh inuu dajiyo hoggaamiyaha.

“Dagaal nukliyeerka ayaa ah gabi ahaanba mid aan la aqbali karin, waa in qof la hadlo Kim Jong-un,” Duterti ayaa sidaas sheegay ka hor intii aanu Japan u tegin booqasho laba maalmood ah,sida laga soo xigtay Associated Press.

Hanjabaadda nukliyeerka ee Waqooyiga Kuuriya ayaa ka mid ah arrimaha uu kala hadlaayo Raisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ee Tokyo, iyo sidoo kale madaxweynaha Donald Trump marka uu booqdo Manila bisha soo socota.

Waxa uu sheegay in Maraykanka, Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo kuwo kale ay tahay inay u xaqiijiyaan Kim in qofna uusan u hanjabin, isagana lagu booriyo inuu joojiyo weerarka nukliyeerka.

“Waxa ay u fiicnaan laheyd Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed inay la hadlaan Kim oo ku qanciyaan inuu soo fadhiisto miiska wada xaajoodka isaga oo loo sheegayo in cidna ugu hanjabayn dagaal,” ayuu yidhi.

Duterti ayaa ku sheegay shir jaraa’id ka hor inta uusan ka tagin magaalada Davao ee koonfurta dalka in dalka kaliya ee dejin kara Kim inuu yahay China.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso