Xisbiga Kulmiye Oo Soo Gabagabeeyey Koob Tar Tan Ciyaareed Ka Socday Garoonka Tareedhiska Ee Degmada 31-May

Hargeysa(Toggaherer)Tartan ciyaareed uu maal galinayay xisbiga midnimada iyo horumarka soomaliland ee KULMIYE mudooyinkii ugu danbeeyey na ka socday garoonka taredhiska ee degmada 31-may ayaa shalay waxa ciyaar aad u xiiso iyo xamaasad badan dhexmartay labadii kooxood ee iskugu soo hadhay dhamaadka ciyaarta koobka lagu kala qaadayay Oo ku kala ciyaarayay magaca kooxda soomaali wayn iyo kooxda ku ciyaaraysay magaca himilo .
waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka gobolka maroodi jeex ee xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Hadhiye.
jawiga ciyaartan oo ahaa weerar iyo weerar celis koox kastaaba dhankeeda difacanaysay in wax goola laga dhaliyo ayaa waxay kusoo afmeerantay hal gool iyo hal gool ,ciyaartana ka dhigtay marka wakhtigii loogu tala galay dhamaatay in gool ku laad loo dhigo (Rikoodhayaal).
waxaana guusha raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca Himilo Oo koobkii loogu tala galay halkaa lagu gudoonsiiyey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso