Askarta Yuhuuda oo Dishay Wiil Falastiini ah oo ay ka shakiyeen Gaadhigiisa

Wiil Dhalinyaro reer Falastiin ah ayaa la dilay subaxnimadii Saaka kadib markii ay toogteen ciidamada Israel ka dib markii ay ka shakiyeen gaadhi uu saarnaa meel u dhow degsiimadii Israel ee ku taala Daanta galbeedka, sida ay sheegeen ciidanka iyo wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Musa (26-sano) ayaa u geeriyooday kadib markii ciidamada Yuhuudu Toogteen meel u dhow degmada Helmish kuna dhow magaalada Ramallah, sida ay Sheegtay Wasaarada Caafimaadka Ee Falastiin.

Ciidamada Israel ayaa dhinacooda iyana sheegay in gaadhiga uu watay ku soo dhawaaday Askartooda kana shakiyeen ka dibna ay toogteen.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso