LAXDII Dhibanaha U Noqotay Ololaha Doorashadda:   Xifaltanka Iyo Xumadda Xisbiyadda Ee Ololaha Doorashadda Oo Shacabka Saameyn Ku Yeeshay Iyo Labo Qoys Oo Isku Fara Saaray Neef Xoolo Ah 

Guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland waxa si weyn looga dareemaayo Xumadda Ololaha Kaambeynka ee Doorashadda Madaxtooyadda oo dalka ka bilaabmatay  20/10/2017- oo ku beegnayd  Maalin Sabti ah, waxaana ololaha doorashadda ee dalka ka socon doona mudo 21 maalmood ah oo ay ku cishatamaayaan Saddexda Xisbi qaran ee UCID, Kulmiye iyo Waddani  kuwaasi oo xisbi kasta uu sharcigu u ogol yahay 7 maalmood in uu ololihiisa isku soo baxyo ay taageerayaashiisu goboladda iyio degmooyinka dalka isku soo baxyo ku dhigaan saddexdii maalmoodba mar, waxaana si gaara looga dareemayaa hirdanka iyo xifaltanka ugu weyn ee Murashaxiinta saddexda xisbi qaran ay taageerayaashoodu mid kasta cududooda iyo taageerada ay u hayaan ku soo bandhigayaan  Magaalo Madaxda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba marka laga yimaado eedeymaha iyo ficiladda  dhaliilaha huwan ee Murashaxiinta iyo Siyaasiinta saddexda xisbi qaran ka soo kala jeeda ay saxaafadda isku marinayan si xisbi kasta uu quluubta iyo codka bulshadda reer Somaliland uu Kaambeynka doorashadda uga kasbadoa, waxa iyaduna barbar socota in Bulshadda Hargeysa ku dhaqani ay muujinayaan xamaasadda iyo taageeradda ay u kala hayaan Saddexda Murashax ee Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo qof kasta Rayiga Murashaxa uu taageersan yahay uu ku khasbaayo Saaxiibkii ama Eheladiisa hadba qofka uu u arko in  ay kala ra’I duwan yihiin ama uu ka soo horjeedo murashaxa uu qofkaasi taageersan yahay, taasi oo mararka qaar gaadhsiisan in taageerayaasha xisbiyaddu ay muujiyaan ficilo ay ku muujinayaan heerka taageero ee ay xisbigooda ama murashaxa ay taageersan yihiin u hayaan xata waxa mararka qaar dhacda in qof taageera ama koox murashax xisbi taageersani ay rebshad ama dagaal u sameeyaan iyaga oo la dagaalamaaya dadka ka soo hor jeeda murashaxooda.

Akhriste sida aad ka akhriday Ciwaanka waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Neef xoolo ah oo dhibane ka noqotay laba qoys oo kala taageersan Xisbiyadda Somaliland, waxaana ay sheekaddani ka dhacday Xaafadda Jungalka ee Magaaladda Hargeysa, ka dib markii Qoys degan Xaafaddaasi oo Adhi iskugu jira Riyo iyo Iddo, ay mar qudha ku warheleen LAX ka mida adhigoodii oo Meel kasta lagaga qoray Magaca Xisbiga Waddani oo ka mida Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ee UCID, Waddani iyo Kulmiye, ayaa LAX ka mid ahayd Adhigo xoogaa ah oo dhinaca Buurta Degmadda Maxamed Mooge sida Caddada ah had iyo jeer uu Adhigani u fooftegi jiray, waxa habeen habeenadda ka mida soo xarooday goor Fiida Laxdii oo meel kasta lagaga qoray Qalin Cas magaca Xisbiga Waddani, hadaba qoyska Laxdan lahaa oo iyagu taageero u ah Xisbiga Mucaaridka ee UCID, ayaa aad uga cadhooday falka lagu la kacay Laxdoodii, waxaana ay bilaabeen bal inay Baadi goobaan cida ku qortay xisbigan magaciisa waxaana dhalinyaro isla xaafadda qoyskan Adhiga lahaa ka mid ahi u sheegeen cida ku qortay magaca xisbiga Waddani Neefkan ka mida adhigooda oo ah reer dhinaca ay Adhigu u foofi jireen deganaa.

Nasiib daro markii ay xaqiiqsadeen Qoyskii Laxda lahaa in reerka loo tilmaamay ay Laxdooda ku xardheen magaca Xisbiga Waddani,  arintaasi oo si wayn ay uga cadhoodeen maadama oo Xisbiga UCID ay taageero u yihiin, waxa meeshii ka dhacay Weerar iyo Weerar Celina an Wax Khasaare oo la sheegi kara ka dhicin oo dhex maray reerkii Neefka iska lahaa iyo qoyska la sheegay inay Magaca Waddani ku qoreen neefkan Adhiga ah, waxaana ku kala guntaday  dad Jaarka ah balse sida uu ii Xaqiijiyey Abaabaha Qoyskii Neefka Laxda ahi Adhigooda ka mid ahayd waxa uu ii sheegay markii arintaasi loo soo sheegay ee uu Gurigiisii tegay arkayna in xaafaddiisii oo ka wada cadhooday Neefka adhigiisa ka mid ah ee Magaca Xisbiga Waddani lagu qoray waxa uu Aabo Jaamac oo arinta iiga waramay yidhi “Walaal Neef ka mida adhi yar oo Guriga ii jooga oo Riyo u badan iyo hal Nee foo Iddo LAX ah, ayaa sida lay sheegay Laxdii waxa lagu soo qoray dusheeda Magaca Xisbiga Waddani waliba labada dhinacba, ka dib markii ay ogaadeen Caroortaydii iyo Gabdhii waa ay raadiyeen waana loo sheegay Xaafadda ku qortay magacaasi Laxda guriga ii joogtay waxaana meesha ka dhacay dagaal waxaana soo kala kexeeyey dadkii  Jaarka, hadana markii Xaafadaydu ay gurigooda ku soo noqdeen waxa dhacday in reerkii kale ee magaca Xisbiga Waddani Laxda ku xardhay ay qoyskayga soo weeraraan balse nasiib wanaag waa la kala kexeeyey oo wax khasaare Xag Xagasho yar ka badani may dhicin”

Aabo Jaamac Khadar waxa uu intaasi ku daray “Markii aan Xaafadaydii tegay ee sida ay wax u dhaceen lay sheegay ee aan arkay in aan wax khasaare ahi dhicin, waxaan soo qaatay Makiinad oo waxaan ka Xiiray magacii Xisbiga Waddani ii lagu qoray  LAXDII labada dhinacba, waxaanan la hadlay Ninkii qoyskiisu Magaca ku qoreen Laxdayda waxaan u sheegay in uu Caruurtiisa qabsado Saldhigana waan ku wargeliyey arintaasi, waxaanu ninkii ii balanqaaday in uu Caruutiisa iyo reerkiisa qabsan doono, waxaanan arintii ku dhamaynay sidaasi iyada oo LAXDIINA aan ka masaxay magacii Xisbiga Waddani ”

Mar aan wax ka waydiiyey Aabo Jaamac waxa keenay in Caruurta uu dhalay ka cadhoodaan magaca Xisbiga Waddani waxa uu ku jawaabay “Walaal waxaan filayaa wax kale maaha doorasho ayaa Bishan dalka ka dhacaysa sida aynu wada og nahay marka aniga iyo Qoyskaygu Xisbiga UCID iyo murashax Faysal Cali Waraabe ayaanu taageersanahay, kolay dhalinyarta ku soo qoray magaca xisbiga Waddani waxaan u fahmay inay Xisbiga Waddani taageersan yihiin  sida lay sheegay, marka arintuna ay sidaasi u dhacday”

Fiiro gaara: in kasta oo aanu ahayn Sawirkii saxda ahaa ee Laxdaasi aynku ka soo sheekaynay sawirka sheekadan la socda, hadana waxaan  isku dayey in aan Sawir ka soo qaado Laxda ay sheekadan kor ku xusani ka dhalatay ee sababtay in dagaalka gacan ka hadalka ahi dhex maro labadaasi qoys, balse nasibi daro iima suuro gelin maadama Aabo Jaamac waxa uu ii sheegay in nasiib daro xaafadda laga kexeeyey Laxdaasi lana geeyey xaafad islaan isaga dhashay oo Hooyaddii ah, si aan rebshad kale uga sii dhalanin dagaalkii ka dhashay Laxdani.

Qalinkii: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com/Facebook/ Abdiwali Ali

Advertisement

Ku Xayeysiiso