Goblan Wiilal Leh W/Q: Ahmed Qadhabo


Goblan Wiilal Leh
W/Q: Ahmed Qadhabo
E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com
Soomaali waxey aad ugu mashquulsantahay Khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe ee Madaxweyne Farmaajo iyo Baha DIRHAM (Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada).

Xildhibaan Mudane Axmed Xaashi Maxamuud ayaa isagu ku tilmaamey Khilaafkani inuu yahay sida mid u dhaxeeya Aabo & Wiilashiisa.

Daacadweyne waa ku waajib in uu gutto Mas’uuliyadda ka saran korinta, daryeelka, waxbarashada iyo barbaarinta Wiilashiisa, ayuu yidhi  Xildhibaan Axmed Xaashi oo ka mid ahaa Caqligii, Cududii iyo Laf Dhabartii uu ku taagnaa Ciidankii (Ciil Tire) ee gaadhka ka hayey Jiritaanka, Heybadda iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, intii aanuu bur-burin.

Haatanna, Kuf & Kac uu Dalku galey dabadeed, Axmed Xaashi waa Xildhibaan Dareen iyo Wadaninimo leh kana tirsan Aqalka Sare si marka loo eegana, ugu hooseeya uguna tayada iyo saameynta yar Aqalada looga arimiyo Dalka Soomaaliya, wallow Ninka Gudoomiyaha u ah Aqalkani  Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi uu ka mid yahey Ragga ugu cad-cad ee ugu Cadaaladda, Kartida, Runta, Wadaninimada iyo Geesinimada badan Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed waqtigan la joogo.

Mas’uul Dowladeed oo dhan baa wiil ah. Sidoo kale Muwaadin Soomaaliyeed oo dhamina waa wiil.”
Qoraalkayganse, waxaa si gaar ah ugu eegayaa Wiilasha DIRHAM ka ku bahoobey lana baxay Baha DIRHAM iyagoo aaminsan in Danahoodu isku xidhanyihiin Aabahoodna (Dowladda Dhexe) uu ka hor imanayo Maslaxadooda gaarka ah.

Xubnaha Baha DIRHAM waxaa ka mid ah, kunase koobneyn:

Nacweyne
Beenweyne
Daalinweyne
Eexweyne
Faanweyne
Dabinweyne
Munaafaq Madoobe
Ahmed Xaaf
Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubno kale oon halkan ku xusneyn oo ay ku jiraan xisbiyo.

“Fiiro Gar Ah :
6 da Magac ee hore waxaan bixiyey Maqaal aan qorey 5 sano ku dhowaad horteed (Madaxweyne mise Waxkaleweyne)
Farmaajo na isla Maqaalkaa waxan ugu bixiyey #Daacadweyne.

Baha DIRHAM waxaa amakaag iyo yaab ku noqdey Dabeecadaha iyo isbedaladda cusub ee uu la soo baxey Aabahood laga bilaabo 08.Feb.2017  sida: Dabagalka, la xisaabtanka iyo Ilaalinta hantida Qaranka iyo Kaabayaashiisa dhaqaale.

Ka hor taariikhdaa aan kor ku xusey waxey arki jireen Aabahood #Nacweyne iyo #Beenweyne oo labaduba la qasta, iyaguna dhinacooda Hantida Qaranka ka faganaya, Wiilashana la qaybsada Boobka iyo Boolida laga lunsado Shacabka Soomaaliyeed iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Gobolada ay Hogaamiyeyeesha u yihiin.

Xildhibaan Axmed Xaashi inkastoon looga baran Cadaalad Darro, hadana sidii loo baahnaa ugama hadal Waajibaadka waalidnimo ee Wiilasha Baha DIRHAM ka saaranan Ixtiraamka, Qadarinta iyo ka Dambeynta Aabahood sida looga dambeeyo Aabo walba markey timaado Arrimaha Qoyska (Dowladda) gaar ahaan Arimaha Dibadda, Gaashaandhiga ilaha iyo Kaabayaasha Dhaqaale.

Dhan kale oo ta Xildhibaanka ka duwan, hadaan aniga Axmed Qadhabo ahi ka eego, Dhal Baastani, wiilal khayr qaba ma aha eh waxaa ku waajib ah, oo Aabahoodna rabaa sida Aabo waliba jecelyahay in uu ka arko Wiilashiisa sidan:
Wiilashiisa oo Baarri u noqda, Aabahoodna ka dambeeya, tallaabooyinka ay qaadayaan ee saameyn fog ku yeelankara Mustaqbalka Bahahooda (Maamulkooda) iyo guud ahaan Dalkana la wadaaga.

Wiilashiisa oon dhaq-dhaqaaqoodu ka qarsooneyn iyo marba halkey marayaan, Cidey u tagayaan, waxay ugu tagayaan iyo Heshiisyada ay la galayaanba. Wiilasha baasi waa kuwo ku baratamaya Boobka Kaabayaasha Dhaqaale.

Marka iyagoo ah Cadceed Casar liiq joogta ay Heshiisyo 30 Sanadood ah galayaan waxey boobayaani soo Dhaqaalihii Dalku Wada lahaa ma aha. Soo Mustaqbalkii Dhalinyarada iyo Jiilka iman doona ma aha. Dhaxalka ay inooga tagayaani soo dacwad iyo waxay lunsadeed daba orod iyo Maxkamad aan dhamaad laheyn Soomaaliya ha dhex taagnaato ma aha.

Wiilashiisa oo hadey Maal gashi shisheeye Goboladooda la damcaan u mara qawaaniinta iyo shuruudaha Dastuurku qeexayo oo ay ka baaraandageen qodobadiisa Garyaqaano Soomaaliyeed oo khibrad gaar ah u leh Heshiisyada Maal gashi Heer Caalami. Heshiisyadaasoo noqda kuwo lawada ogyahay oo inta loo dhoofo Dalal shisheeye, aan hoos loola soo galin.

Wiilashiisa oon Dariska iyo Dibadaha Dhubuq-dhubuqleyn Hantida ma Guuraanka ah ee Qarankanu wada leeyaheyna la suga inta umadda Soomaaliyeed ey ka wada dhaxeysaa wada jir u ansixinayaan Sharci iyo Qodobbo qeexaya waxa lawada leeyahay iyo waxa lakala leeyahay iyo siyaabaha wax loo wadaagayo.

Wiilashiisa oo Xil iska saara horumarinta dhan kastaba Maamulada ama Bahaha ay iyagu Hogaankana u yihiin oon ku koobnaanin kaliya Maslaxadooda Gaarka ah.

Wiilashiisa oo mid waliba u qalmo Xilka uu Bahadiisa u hayo, Aqoonteeda, Khibradeeda iyo Kartideedana leh.

Wiilashiisa oo si Hufnaan, Cad-cadaan iyo Isla xisaabtan ku jiro u gutta Mas’uuliyadda ka saran ilaalinta iyo gudashada Waajibaadka Gobolada ay hogaaminayaan.
Wiilashiisa oo qeyrkood dhinac ka raaca, kulana tartama kor u qaadida tayada Aqooneeed iyo Xirfadeed, Shaqo iyo Dhaqaale ee Dhalinyarada Mustaqbalka Bahahooda.

Wiilashiisa oo isku duuban, Aabahoodna Garab iyo gaashaan u noqda oon Odeyga isku soo nacaseyn, iskuna dhererin ee Maqaamkooda ku ekaada.

Wiilashiisa oon dhabar jabin iyo carqaladeyn ku noqon Dadaalka uu Aabahood ugu jiro dib u heshiisiinta, dib u dhiska iyo dib u nabadeynta Dalka guud ahaan.

Wiilashiisa oon Xaafado kale lagu shirin, xoogaa Dirham ahna loogu soo qaybin, dabadeed laga dhigan Baqashii loo soo fuulayey la dagaalanka iyo ka hor tagga Dowladnimo ka hana qaada Dalkooda Hooyo.

Waxaa la yidhi:
Nin soori qaadey waa Nin Seefi qaadey
Nasiib darro, taa badelkeeda waxaan arkayaa: Wiilal Xadhig lama sitaan ah.

Wiilal ka dhacsan heerkii Abahood la doonayey oo ku mashquulsan kaliya, Danahooda Gaarka ah.

Wiilal maslaxadooda uga faa’ideysanaya Nadaamkan Federaalka ah, oo marka la eego sababaha ay Wadamadu u doortaan ama u qaataan Federaalka, aan sinaba ugu habooneyn Dalkeenan Soomaaliya.

Federaalka Soomaaliya dibadda looga keenay iyadoon lagala tashan waxna laga weydiin ilaa iyo maantana aan la ogeyn in Afti lagu yeeli doono iyo in la diidi doono.
Federaalka wali Dastuurkiisii qabyada yahey ee habka iyo qodobada uu ku saleysanyahay ee Awood qaybsigu yihiin kuwa qalalaasaha siyaasadeed ee manta jira abuuraya.

Federaal sibiq iyo si fudud inoo soo galay, duuduubna lagu liqsiiyey Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u jeelanaa in maruun Madax baa tihiine, kacoo anagana noo hogaansama la yidhaa.
Federaalka Soomaaliya ay durba ku hafatey een dareensanahay in aanuu waligii ka hirgali doonin.
Federaalka Xuduudihii Dalku lahaa loo soo rarey Xaafadaha dhexdooda, si aan Khilaaf iyo Colaad Soomaaliyeed waligeed loo waayin.
Federaalka u daneynaya Dowladaha Shisheeye iyo Dilaalada Soomaaliyeed ee isu bahaystay in ay ka faa’ideystaan Dastuurka Qabyada ah oo ay ku boobaan Hantida, Dhulka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Badda Soomaaliyeed.
Federaalka loogu talo galay in ay Soomaali ku heshiiso in aaney waligood heshiinin.
Federaalka ma dhaleyska ku ah Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

Waxaa la yidhi :

Jidwaaq meelna ma wada dagana, Warna iskuma seegana.

Ma xog baa inagu seegan in Wiilashani aaney ahayn Wiilal khayr qaba.

Ma xog baa inagu seegan In Daalinweyne oo la aaminsanyahay in uu horey u boobey Badaha Dalku uu maantana Danaha Kooxdan Baha DIRHAM u fadhiyo Dubey oo uu yahay ninka Wiilashan fasahaadiyey ee barey Shisheeye Jaceylka, dibad wareega Dakad Xaraashka iyo Dirhamka inkastoo qaarkood horeyba u fadareysnaayeen Dariskana Jaajuusiin & Dilaallo u ahaayeen.

Ma xog baa inagu seegan in Wiilashani aaney Adoogood faro ugu jirin oo ayba iskala weynaadeen, maantana uu Munaafaq Madoobe Kismaayo ka abaabuley isbaheysi ay ku doonayaan in ay Awoodii Dowladda Dhexe ku wiiqaan.

Ma xog baa inagu seegan in ay Dowladda dhexe ku hayaan Dhabar jabin Cadowgana u loogayaan iyagoo dareemay in Qaabka Shaqo, Hufnaanta, Isla-xisaabtanka, Hanti dhowrka iyo Cad-cadaanta uu la yimid Mudane Xasan Cali Khayre uu yahay mid ka hor imaanaya Danahoodii Gaarka ahaa iyo Afduubka xaaraanta ah ee ay ku heysteen Goboladda iyo Dowladda Dhexe lafteeda, ka hor 08.Feb,2017.

Ma xog baa inagu seegan in ay Xaaraan Quutayaal yihiin, Dakadihii, Garoomadii, Xeebihii, Warshadihii iyo Beerihii Dalku lahaa dibadaha la wareegayaan iyagoo Dowlado iyo Shakhsiyaad dano guracan oo fog ka lihi ay kaga doorsanayaan xoogaa Dirhamka nacaseeyey ah.
Ma xog baa inagu seegan xoolaha ay Dalalka Soomaaliya u diidan Nabadda iyo Horumarka ay magacyada Gobolada kaga soo qaataan in uu jeebkooda ku uruuru, maalinkey maqlaan Aabahood inuu shilin meel ka soo galeyna, ay Gaawaha soo culanayaan si ay u carqaladeeyaan Qorshaha Dowladda ee Horumarka Dalka.

Ma xog baa inagu seegan Heshiisyada 30 ka sanadood ah ee Cadowgu u fududeynayo ee ay la galayaan Dalalka shisheeye in ay yihiin kuwo ay ku boobayaan Kaabayaashii Dhaqaale ee Dalka iyo Dadkiisu wada lahaayeen, walina ay hortaaganyihiin dhameystirka Sharciga khuseeya Khayraadka iyo Kaabayaasha dhaqaalaha iyo qeybsigooda.

Ma xog baa inagu seegan Magacood ha ba’ee in Wiilashani Yahaabur yihiin,  Horumarka Dalku ku talaabsan lahaa xag walbana ay lugta hayaan. Waa kuwo Dirham, Shilin, Birr iyo malafsi bartey, Waa hore faraha ka baxay, waliba qaarkood Gadh inoo deysteen oo Wadaado isaga keen dhigayaan mid walibana doonayo inuu Soof (Lacag) iyo Suu inagu sii hogaamiyo.

Ma Wiilal baa, meelo Durugsanba Balag looga lulayaaye Bal ila eega waa kuwan qaarkood eh:

Eexweyne:

Waa Ninka Wiilasha u weyn ama Curadka ah. Wuxuu noqdey Caasi. Isagu Aabihiiba ma ictiraafsana, isagana cidi ma ictiraafsana. Wuxuu Aabihii kula doodayaa, imabaad dhalin. Anigoo Ninweyn ah baan kuu imid, Hadana waan kaa noqdey.

Reer aan Sharci ku saleysneyn ayuu goonidiisa u yagleeshey. Caalamkuse wali waa la wada yaabanyahey, Cid Caasinimada Aabihii ugu  garowda oo ictiraaftana wali muu arag.

Xagga wax qabadka iyo Maamulka waa bahda loogu qaatey, waxaase xagaldaacinaya oo dib u riixaya Wiilal ku hoos naban oo iyaguna Baha Dirham ah.

Waxaa la yidhi:

Nabsi bil ha jiro boqolse ha jiro, isha baalkeeda ka dhow.

Dhibkii & Jabhadeyntii uu Aabihii ku hayey ayaa isagana hadda lagu hayaa.
Meel markuu moosaba, Mid Maansoor soo seexiyaba, dhinac kalaa Mowjadi kaga furmeysaa.

Aabihii hadda Yahaabur buu xero ugu jiraa oo xag-xaganaya. Meel uu ugu noqdaaye ma jirto. Aabihiina filimaayo inuu hadda leeyahay ii soo noqo, waase in aanuu ka fogaanin, gacantana hiil iyo hooba ka laaban ileyn waa Curadkiisiiye.  ilaa uu ka raaligaliyo oo uu Caasinimada ka toobad keenana lagama yaabo in uu wuxuu jecelyahay helo.

Faanweyne:

Markuu Warbaahinta hor yimaad, Caqligii iyo Tacliintii uu soo baratay baan is weydiiyaa  meeshuu kaga yimid. War Sow taad  Macalin Ardey wax bara ahayd. Ma waxan aad hadda nagu heysaad Ardeydana ku heysay.

Wax la taabto Gobolka ka qabatay. Qardhadii Qaaliga aheyd, Dhakhtar Dadka lagu daweeyo in aad dhagax dhigtey warkeedu igu soo dhibic. Go’anaheyne, markase aad hadleyso waa yaabe, Caqliga iyo Cilmiga ma Flash Memmory baad ku soo shubataa.

Soo adigan la moodo in aanad alifna baran. Soo adigan hor boodaya kuwaan filaayey in aad u caqli celiso. Soo adigan ka daray kuwaad shaley ku faaneysay, Aalkoliistayaal bey ahaayeene,  anigaa Bahdeyda badbaadinaya. Soo adigan bahdii sii kala firdhinaya.

Soo adigan Aabahaa (Madaxweynaha Dalka) is moodey sidiisana u hadlaya.

Dhaqaaleyahnakow, marka aad leedahay Aabahay Reerkuba gacan uguma jiro, oo aniga iyo Walaaladey baa ka arimiya, soo ma ogid in la yidhi: Nin waliba inta uu cuno ayuu ciidamiyaa.

Nidaamka Federaalka hadii la raaco sida aad sheeganeyso waa in adiga iyo Baha Dirham aad taageero dhaqaale siisaan Aabihiin, halka aad gacmaha isaga u hoorsaneysaan.

Dhaqaaleyahnakow waa in aad fahamtaa Cadowga qorsheystay in boqolaal sano oo soo socda ay Dalkaaga madaxbanaanidiisa iyo dhaqaalihiisaba madaxa kaga taagnaadaan adigana kuu soo maraan.

Cidi kaama aqoon badnee ilaahey ha ku tuso Nimcada iyo Khayraadka dhex jiifa Dalkaaga ee ku filan adiga iyo inta kula leh ba.

War waxaan ogahay Shacabka Puntlandow miyeydaan ogeyn. War Dal Shisheeye wax uu kaa qabsado mooyee in aanuu waxba kuu qabaneyn maslaxad la’aan miyeydaan ogeyn.

Daalinweyne Dakanuu tirsanayaaye Dirhamka uu Wiilka barey in uu Dalka iyo Danta guudba u daranyahay miyeydaan ogeyn.

Abkoy Dooli dilow, Dad nool maas u daahaa. Daalinweyne oo biyihii Badda fuuqsadey in aanuu Barri iyo Boosaaso u daaheyn miyeydaan ogeyn.

Dakadii Berbera Eexweyne oon ogeyn in Wiilal baasi Dubey Dirham kaga doorsadeen maantana ay xidhantahay miyeydaan ogeyn.

Muraadka Dirhamka loo bixinayo miyeydaan ogeyn. In lagugu duleysanayo marka dhaxalkii Dhalaanka soo kacaya aad wareejisaan miyeydaan ogeyn.

In Dalkeenu dib Cagahiisa isugu taago oo dunida doorkuu ku lahaa dib ugu laabto in la inoo  diidanyahay miyeydaan ogeyn.

Ahmed Xaaf

Warqadiisa oo madhan baan bixinayaa.
Ha la iga raali noqdo. Meel aan ku qoro oo qaadda ma hayo.
Shacabka GalMudug siiba Dhalinyarada waan u duceynayaa.

Mohamed Waare

Galinba muu joogin gurigii Gobolka looga ariminayey. Wali mabuu nasan, markuu la kowsadey Gogol baastii #Munaafaq Madoobe ee kismaayo. Waxaan leehay #Waarow waari meyside, War ha kaa hadho.

Nin weyn korkiisu waa wada indho eh, Gogol baasta aad ku fadhiisatey kismaayo iska hurguf. Wiil baari ah oo Waalid adeec ah Abihiina garab u noqda ahow. Wiilasha xun-xun ka hadh oo ha raacin, ha la fadhiisan waxna ha la cunin yaan lagu fasahaadin oon Shiishadda iyo Dirhamka lagu barin ee is ilaali ilaahey ha ku ilaaliyee.

Ogow Waarow Bahda aad Hogaamiyaha u tahay ayaa maanta ugu yar Qoyska, marka laga reebo Walaal Banaadir oo filayo in shinkeedii dhamaadey, Ilaahey ha nabad keenee. Guud ahaan Dalku Nabad, Nolol iyo wax qabad buu kaa sugayaa. War Waaroooooow Dubey iyo Dariskaan kaaga digayaaye, ka feejignow garabkaaga ilaahey ha galee.

Dabinweyne

Munaafik ma eh
Beenlow ma eh
Balantii usi gali ma ka bahow

Dabinweyne isagoo yar buu Afawarke gardaadiyey. Nakfa lagu ababiyey oo ruugi yaqaanaa.
Dirhamka sida loo xoogsado awalba waa yaqaaney oo Ganacsatuu ka ahaa Dubey.

Cilmigu ha ii dambeeyee Caqli buu leeyahay. Aabo #Daacadweyne iyo Baha Dirham labaduba Duruustiisa Siyaasadeed Dabinba ha u badnaadeene kama maarmaan. Dabinku difaaca Cadowgana waxbuu kaa taraa ee taa hala ogaado.

Haduuba xanuunka manta lagu hayo ka kaco, rajuu leeyahey. Dhaqan celin yar buu u baahanyahay iyo balaayaduu ku Shubey Wiilal Bi’iyeh Daalinweyne oo laga shubo.

Munaafaq Madoobe

Reer Soomaaliyeed (Salaan Sare Asxaabteyda Reerkaa, dhamaantiin)  oo lagu tilmaamo in ay yihiin Reer aad u Niyad wanaagsan oo u Qalbi furan, ayey Dhalinyaro ka mid ahi isla garteen in Munaafaqnimadu aaney ahayn wax Bulshada dhexdeeda ku wanaagsan, waajibna ay tahay in talaabo laga qaado sidii looga hortagi lahaa.

Waxey go’aansadeen in kuwa reerkooda ah ey garanayaan ay Bulshada ka dhex qabtaan.  Mid dhalintii ka mid ahaa ayaa gacanta taagey oo yidhi: Ninba Ninkuu ku bartey Munaafaqnimada ha ka bilaabee aniga Hebel Hebel iga qora.

Jubbaland waxay gacanta u gashey Nin waxa uu ku hadlayo iyo waxa uu ku kacayaa kala duwanyihiin. Ninba Ninkuu ku bartey ha ka bilaabee, anigana Munaafaq Madoobe iga qora.
Wuxuu soo kala badalay Shaadhadhka, Itixaad, Maxaakiim, Xisbul Islaam, Shabaab, Raas Kaambooni, Dowladda Soomaaliya, Taajir Dhuxuleed iyo Dillaal Shisheeye oo uu hadda marayo.

Geed dheer iyo mid gaabanba wuxuu u fuuley oo Dhiig badan oo sokeeye Soomaaliyeed ah, oon cid kale laheyn u daadiyey in mar uun la yidhaa Madaxweyne.

Dibad iyo gudahaba loolankii Siyaasadeed ee uu ku yimid Hogaaminta Jubbaland, khayr qabaan moodayoo waan ka qayb qaatey aniga oo Qoraalo iyo Talooyinba ugu hiiliyey.

Marxalad kastabase waxaan ka qabey tuhun weyn markaan arkey sida deg-dega ah ee uu isu badbadalayo.

Markaan arkay marba geed ku xoqod kiisa, is dhuf-dhufadkiisa, hadba dhinac u boodkiisa, Waji badalkiisa – Mar Caseyntiisa, Mar Cadeyntiisa iyo Mar Madoobeyntiisa ayaan yaqiinsadey in aan wax khayr lihi ka soo socon Munaafaq Madoobe.

Waxaan ogadey In Gadhku gadhkaan moodey aheyn. In Hadalkiisa macaani aanuu dibnihiisa dhaafsiisneyn, waxba kama jiraana yahey.

Shacabka Jubbaland Cadaalad, Sinaan, Amaano Dhowr, Dib u heshiisiin iyo Waxqabad dhan kastaba ah ayey u baahan yihiin. Daacadnimo, Niyad wanaag iyo Dhe-dhexaadnimo, Tabari waa halkeedee lagu hogaamiyey u baahanyihiin.

Shacabka Jubbaland waxay wada arkeen, Dareemen Dha-dhamiyeen in Hogaamiye Madoobe, Munaafaq yahay. Afkiisa, Uurkiisa iyo Ficilkiisu 3 kala duwan yihiin.

Shacabka Jubbaland wey wada arkaan in Maamulkiisu yahay mid ma dhaleys ah oon Magaalada Kismaayo dhinacna u Dhaafsiisneyn. Maamul Wasaaradihiisa iyo Laamihiisa kala duwan mid qudha oo ka shaqeysaa aaney jirin, inta isaga ilaalisa mooyee.

Maamul uu madoobe ku boobayo Hantidii Qaranka, tii Dadweynaha kulana wareegey Kaabayaashii dhaqaale ee Gobolka ee lawada lahaa.

Maamul ku mashquulsan kala fogeynta Shacabka Sharafta leh ee Jubbanad oo Marba geed ugu  soo gabada kala irdheynta iyo argagaxinta Shacabka sida Magacyada Daarood, Kablalax haatan iyo kowna Kuumade.

Maamul fadhiid ah oo halkii aanu kaga ridney Nacweyne Xasan Sheekh talaabo dhaafi kari waayey. Maamul Shacabkiisii diidey oo dareemey Cadaalad daradiisa, Wax qabad la’aantiisa iyo Dib u dhaca uu u horseedey Jubbaland guud ahaan sida, Caafimaadka, Waxbarashada, Howlaha Guud iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Munaafaq Madoobe marka uu hadlayo ee uu Muwaadinka matalayo waxaa hadaladiisa ka mid ah: Aynu Gobolada wax ka qabano oo hoosta wax ka soo dhisno. Yeynaan cidna isula tagin, aynu inagu heshiino. Lama arag wax madoobe dhisay wuxuu salka ka ridey mooyee. Lama arag Shisheeye Madoobe ka fogaadey kuwo uu difaaco xasuuqey Shacabka ku hayaan iyo kuwo uu dilaalo mooyee.

Madoobe cid uu kala fogeeyo waa la arkey. Cid uu xabadeeyo waa la arkey. Walise lama hayo cid uu heshiisiiyey iyo cid uu xanaaneeyey aan ka aheyn inta yar ee uu danahiisa ku fushado.

Madoobe falkii foosha xumaa ee dayuuradaha Kenya ku xasuuqeen Shacabkii Soomaaliyeed ee Jubbaland ayuu xaqoodii duudsiyey oo uu ku sheegay in ay yihiin Shabaabka uu isagu hubeeyo.

Madoobe wuxuu gacan saar la leeyahey Ururka Shabaab. Wuxuu afka ka yidhaahdaa aan la dagaalano, aan barri ku duulno, tallaabo in dhankooda loo qaadana Madoobe ma ogola oo isagaa ka hor taagan Raggii Dhulka ka xoreyn lahaa.

Soomaali oo dhami waxey wada yaqiinsadeen oo hadda Daalac Yaa Shamis ah inuu Munaafaq Madoobe isagoo Cimri dherer ka dhiganaya dano gaar ahna ka leh uu yahay Ninka hortaagan in Shabaab lala dagaalamo iyo in Dhulka Jubbaland oo ay 90% gacanta ku hayaan laga xoreeyo.

Mar la weydiyey Madoobe su’aasha ah:
Maxaad war baahinta horteeda uga tidhaahdaa Meel heblaan u hub uruursaneynaa oo shabaab baan ku duuleynaa. Soo Dagaalku Xeelad, Gaadmo iyo Kadis ma aha.

Wuxuu ku jawaabo ayuu garan waayey. Dabadeedna wuxuu si Munaafaqad leh u yidhi:

Wixii hore waa laga ilbaxay oo hadda Dagaalka Casriga ah waa la isu sii sheegaa. Jawaabtaa uu bixiyey faaladeeda meel aan ku qoro oo qaadeysa anigu ma hayo. Shacabka Soomaaliyeed baan u deynayaa.

Madoobe, isagaa gudoomeye Baarlamaan ah. Isagaa Wasiir ah. Isagaa Agaasime ah. Isagaa Mareeye ah. Isagaa Taliye Ciidan iyo Abaan duule ah. Isagaa Lacag aruuriye ah, Isagaana qeybiye ah. Isagaa Jubbaland wax walba isu ah. Gobol Ba’ow yaa ku leh Dadkiisii tolow meeye.

Malakul Mowtka ayaa isa soo dul taagey Nin ay qorneyd in uu Nafta ka qaado Diqiiqado gudahood. Wuxuu u yimid Ninkii oo la gorgortamaya Kabo tole uu Saan u dhiibtey.

Wuxuu leeyahay Kabatolow, hadana labo kabood iiga tol. Sanadka dambe markey kuwaase iga dhamaadaana, labo kalaad ii toli doontaa. Ninkii isagoo wali badhtamaha Qorshihiisii Aduun iyo Gorgortankii kaga jira ayuu Malagii oo aad ulayaabanaa nafta ka qaadey.

Munaafaq Madoobe Birtii iyo Shilinkii ayuu Dirham na ku darsadey. Wuxuuba taaga qorsheynayaa Kaabayaasha dhaqaale ee markoodii horeba kalidii u irmaanaa in uu hadana Dalal shisheeye kula Heshiisyo kana kireeyo 30 sanadood sida Baha Dirhamka kale.

Shacabka Jubbaland oo ah Malakul Mowtkii isaga ka takhalusi lahaana wey fahmeen maanta waxa uu yahay weyna arkayaaan weyna ka go’antahay in ay iska qabtaan.

Waxaa la yidhi:

Guumeystu jirka haya kama oydee, ka soo socdey ka oydaa

Nin weyni wedkii waa yaqaanaa. Munaafaq Madoobe Khilaafka Khaliijka isbaheysi uma sameysane wuxuu dareemey in aabihii is badaley wixii ka dambeeyey 08.Feb.2017.

Wixii taariikhdaa ka horeeyey Aabihii Nacweyne Xasan Sheek hantida Dalka iyo Kaabayaashiisa Dhaqaale xil iska saari jirini. Beeso gurubsi ayuu ku mashquulsanaa isagoo muraadkiisu ahaa in uu doorashadii 08.Feb.2017 dib ugu guuleysto. Shacabka Soomaaliyeedna sidii Malakul Mowtkii waa dul taagnaayeen oo waa kuwii ka takhalusey kuna badaley Daacadweyne Farmaajo.

Maanta Madoobe Wuxuu dareemay in la isu soo dhigtay gees walba, dhanka dowladda dhexe iyo dhanka Shacbka Jubbaland oo dareensan in Maamulka Madoobe waqti badan ka lumiyey ayna u baahanyihiin Hogaan cusub, Isla-xisaabtan & Ca-dcadaan, Horumar iyo Shabaab oo la iska xoreeyo.

Daacadweyne Farmaajo

Xidig baad tahay Soomaali dooratey. Adiguna waxaad soo xushay ood magacowdey Dayax kaa nuur badan Mudane Xasan Cali Khayre. Cadow badan baa doonaya in ay Dayaxa hadheeyaan oo ay ku noqdaan waxa afka qalaad lagu yidhaa Moon Eclipse.

Waan arkaa kuwo baas oo Baha Dirham la yidhaa in ay idinka didsanyihiin hadaad tihiin Dowladda dhexe.

Waxaan arkayaa iyagoo danahoodii gaarka u ahaa iyo waxay uga barteen Kuwii idinka Horeeyey idinka dhex waayey oo geeska fiidiisa idinkula jira.

Waxaa la yidha:

Haanta iyo Hadhuubkeedu, adigaa u san iyo adigaa u san, bey subaga ku dhalaan.

Hagaajiya Calaaqaadka wada shaqeyn ee idinka dhaxeeya idinka iyo Hogaamiye Goboleedyada Dalka. Dadkoodaa arkey Ninwalba in uu ku mashquulsanyahay danihiisa gaarka ah oo iska dul qaadi doonee, yaaney idin eersan

Nin baa isagoo tunka ku sida Walaalkii uu jeclaa oo meyd ah la turunturoodey, markuu meydkii ka dhacay ayuu yidhi: Tolaa’aye haduu sii go’ay.

War inaad habaar qabtaan maxaa Qalbi Dhagax idiin geeyey waa keydun Shacabka ku kala dhimateene. Maxaydunse waxaan ogaa eenan afkeyga soo marin Karin uga daba tidhaahdeen, waa teydun ku sii go’deene.

Waxaan arkayaa talaabooyin aad qaadeysaan ood Shacabka kaga fogaaneysaan, geeska hadda fiida idinkula jirana fududeynaya in uu idinku libdho sida talaabadan aad ku dhiibteen Mudane Qalbi Dhagax

Waxa aan waraabaha yurta idiinka hayaa ma aha wanaag iyo kalsooni la taaban karo ood abuurteen ee waa Daacadnimo iyo Hantida Qaranka oon dareensanahay in ay idinka nabdgaleyso shisheeyana aydaan Dalkiina u loogeynin sida kuwii baasaa ee idinka horeeyey ee Nacweyne & Beenweyne.

Waa Dadaal aad dadaaleysaan, tabari meel ay idin dhigtoba iyo wax idin dhaama oon Shacabka Soomaaliyeed soo marin mudooyinka dambe.

Dadka wixii wax garad ah wax weydiiya. Ha ka cararina. La tashiyada iyo ka fiirsashadana badiya

Fariintayda Digniinta ah een gudbinayaa waxay tahay:

Shacabka Soomaaliyeedow kaca oo ka hortaga baha dirham.

Yaan laga yeelin Baha DIRHAM iyo Dowladaha ku daneysanaya in ay Isbaaro u dhigtaan Masiirka Dalka Soomaaliyeed iyo Kaabayaashiisa Dhaqaale.

Yaan laga yeelin in ay dibadaha suqdheeyaan oy Dilaalada Caalamka suuqyada ku cidhiidhyaan iyagoo Madaxweynayaal Sheeganaya.

Yaan laga yeelin in ay Dhalinyarada Soomaaliyeed ka dhigaan kuwo loo sii gumeeyey Dhalinyarada Dalalka aynu Dariska nahay iyo kuwa Carabta u soo kacaya.

Yaan laga yeelin in ay sii sariftaan Mustaqbalka Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Jiilka dambe ee Dalkan inaga dhaxli doona.

Yaan laga yeelin in ay bar-bar yaacaan Madaxda Mas’uulka ka ah Dalkan iyo Dadkiisa ee ay Wakiilada Shacabka Soomaaliyeed doorteen.

Yaan laga yeelin in ay Baha DIRHAM dib u eegis ku sameeyso Dastuurka Dalka si ay u fududaystaan in Dalkan ay Dhaxal wareejiyaan.

Baha Dirham Masiirka Dalka ee ay aqlabiyada ka yihiin ha laga kaco oo yaan la daawanin intayna ina Dal wareejin.

Masiirka Dalka iyo Mustaqbalkiisa ka hadalkiisu waa arin xasaasi ah feejignaan bandanna inooga wada baahan ee intey goori goor tahay ha la badhxo baha Dirham iyo inta manta Shirka kula jirta oo ha la balaadhiyo Golaha wada tashiga ee loo sameystay in Dalkan lagu wareejiyo.

Digniin ha inoogu filaato Falkii Foosha xumaa ee ay ka dambeeyeen #Daalinweyne, Beenweyne iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee aynu ilaa maalinkaa manta ah daba ordeyno qeyb ka mid ah Badeena oo ay Nimankaasi Shilin ku doorsadeen.

Qolada Xamar manta ku shirsan ee uu imaamka u yahay Munaafaq Madoobe hadii Masiirka Dalka lagu Aamino sidey rabaan, walee Dalkoo dhan beynu in badan daba ordi doonaa Maxkamadda Hayg dhexdeeda.

Halagu daro Aqoonyahano khibrad gaar ah u leh Taariikhda, Sharciga iyo Qawaaniinta Caalamka iyo culimada ilaahey inagu maneystey xubno ka mid ah iyo Ninba kuu ku bartey buu ku bilaabaaye Moxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Xaashi Cabdilaahi

Hadaan Ragga sheeganaya Madashaa wada tashiga aan la badhxin inta la balaadhiyo Dalkeena Soomaaliya waa GOBLAN WIILAL LEH ee dadyahow taa ha la iga qoro.

Hadaan Mowdku waa ma naxee ina kala musaafurin, Mowqif kaad iiga barateen, Mowduucyo Muhiim ah iyo Maqaalo dhaadheer baa inoo muddo ah ee Jumca Mubaarak Dhamaantiin.

Mahadsanidin;
Ahmed Qadhabo
E-mal: ahmedqadhabo@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso