Buug  Sheekooyinka carruurta oo Lagu Qariyay”Cocaine” oo lagu Qabtay Frankfurt Airport!

Laanta Cashuuraha Jarmalka ee Madaarka Caalamiga ah ee Frankfurt ayaa ka helay kookeyn qarsoodi ah ee ku jirta buug sheekooyinka carruurta.

Masuuliyiinta ayaa sheegay Jimcihii in mukhaadaraakan laga helay Xarunta Boostada ee Madaarka Frankfurt ay ku jireen laba baakadood oo ka yimid Uruguay.

Sida laga soo xigtay xogta waxaa ku jiray 400 giraam oo ah kookayn  iyada oo qiimaha suuqa yahay  30,000 euros.

Mas’uuliyiinta ayaa intaa ku daray in Mukhaadaraadkan lagu qariyay laba buug oo waaweyn.

Masuul ku hadlayAfka Laanta Cashuuraha Isabel Gilman ayaa sheegtay in X-ray gu muujiyey hadh aan caadi ahayn ee labada baakad markii buqshada  la furay waxa laga helay budo cad .

Masuuliyiinta garoonka ugu weyn ee Jarmalka ayaa qabtay sannadkii 2016 ilaa 5300 kg oo daroogo ah oo ay ku jiraan 97 kg oo ah kookeynta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso