Tajikistan oo Eryeysa Imaamyada Masaajida ee Wax ku Soo Bartay Dibada


Mas’uuliyiinta Tajikistan  ayaa shaaca ka qaaday in ay mamnuuceen dhammaan imaamyada Wax ka soo bartay dibadda dhaqdhaqaaqooda iyaga oo ka hortagayo xagjirnimada.

“Guddigu waxa uu bilaabay nidaam ah in la eryo dhammaan imaamyada ee qaatay waxbarasho diimeed oo dibadda ah,” xubin ka tirsan guddiga arrimaha diinta ee xukuumadda ayay ka soo xigtay AFP.

Waxa uu intaa ku daray in imaamyada dibada wax ku soo bartay oo dhan la eryi doono laba toddobaad gudahood waxaana la magacaabi doonaa kuwa kale ee wax ku bartay dalka.

Hal hay’ad oo kaliya ayaa tabobarada siin doonta imaamyada dalkaas oo tirada dadka ee dalkaas ayaa ah 8.3 milyan qof.

Tan iyo sannadkii 2015 xukuumadda Tajikistan waxay qaadday tallaabooyin adag oo lagula dagaallamayo xag-jirnimada diimeed ee Jamhuuriyadii hore ee Soofiyeeti ee Aasiya dhexe.

Xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Diinta ayaa AFP u sheegay in ilaa 20 Imaamyo Masaajid oo intooda badan ay wax soo bareen hay’ado shisheeye ah ayaa lagu  xukumay inay ku lug yeeshaan hawlaha diimeed ee xagjirka ah sannadihii la soo dhaafay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso