Trump waa madaxweynaha ugu Shacbiyada Yar Maraykanka 70kii sano ee la soo dhaafay!

Ra`yi Ururin la sameeyey ayaa sheegaysa in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sagaalkii bilood ee ugu horreeyay ee madaxweynenimada uu aad uga hooseeyo dhammaan madaxweynayaasha Maraykanka 70-kii sano ee la soo dhaafay.

Ra`yi Ururintan ayaa lagu daabacay maanta oo Axad ah Washington Post iyo ABC News waxayna muujisay in tirada teegaarada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu yahay inaysan ka badnayn 37 boqolkiiba dadka Maraykanka, halka kuwa siyaasadiisa ka soo horjeedaa yihiin 59% jawaab bixiyayaasha.

Tani waa heerka ugu hooseeya ee taageerada madaxwaynaha Maraykanka ee Aqalka Cad muddo 70-kii sano ee la soo dhaafay isla xilligaana Jimmy Carter waxay taageerayaashiisu ahaayeen 51 boqolkiiba halka George W. Bush kii yaraa ay ahayd 89% muwaadiniinta Maraykanka.

Saddex daloolow laba ayaa rumaysan in madaxwaynaha hadda uu waxba samayn ama wax yar sameeyey muddadii ugu horreysay ee xafiiska. In kabadan kala badh ka qaybgalayaasha ayaa sheegay in Xukunka Maraykanka ee hoos yimaado Trump uu noqday mid daciif ah.

Intaa ka sokow in ka badan kala badh Maraykanka 55% ayaa aaminsan in madaxweynaha Jamhuuriga ahu uu ku fashilmay in uu fuliyo balanqaadkiisa doorashooyinka.

Ra’yi ururinta waxaa la sameeyey laga bilaabo Oktoobar 29 illaa Nofeembar .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso