Dhakhtar Indhaha oo u dhashay Britain oo lagu dilay Nigeria

Xafiiska arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay dhimashada nin British ah oo bishii hore lagu afduubtay Nigeria.

Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegay in Ian Squire uu ahaa dhakhtarka indhahaa waxaana uu gargaar caafimaad oo lacag la’aan ah siinayay meelaha fog fog ee gobolka Delta Nigeria.

Ma cadda sida dhakhtarku u dhintay Saddex qof oo lala afduubtay iyaga waa la sii daayay.

Afduubkan ayaa looga shakisan yahay koox dambiilayaal ah ee gobolka Delta oo ka aasaasantay gobolkaas muddo sannad ka hor ah.

Warqabada ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso